Toogasho ay dad ku dhinteen oo ka dhacday dalka Sweden
10 qof ayaa lagu dilay toogasho maanta ka dhacday iskuul ay dadka waaweyn wax ku bartaan oo ku yaala galbeedka Sweden, weerarkan oo noqonayo kiisii ugu xumaa ee taariikhda dalkaasi.
Toogashada ayaa ka dhacday xarunta waxbarashada dadka waaweyn ee Magaalada Örebro.
Booliska ayaa markii hore sheegay in shan qof lagu dhaawacay toogashada ka dhacday Dugsiga Risbergska, balse dib ayay ka sheegeen in illaa toban qof lagu dilay weerarkaasi.
“Waxaan ognahay 10 qof ama wax ku dhow in maanta lagu dilay halkan." Ayuu yiri Taliyaha Booliska Örebro, Roberto Eid Forest oo Warbaahinta la hadlay.
Taliyaha ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in toogashadaasi uu gaystay hal nin, kaasoo uu sheegay in isagana uu dhintay.
Taliyaha ayaa sheegaya in weerarku uu noqonayo kii ugu dhimashada badnaa ee ebid ka dhaca iskuulada dalkaasi.
Kooxaha gurmadka ayaa goobta ka qaaday dhaawacyada shan qof oo kale, kuwaa oo afar ka mid ah qaliin lagu sameeyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka.
Raysal Wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson ayaa sheegay in maanta ay dadka reer Sweden u tahay maalin xanuun badan.
Isagoo Warbaahinta la hadlayay ayaa wuxuu weerarka ku qeexay "Waa toogasho wadareedkii ugu xumaa ee taariikhda Sweden."
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in uu murugada la qaybsanayo qoysaska dhibaneyaasha.
Raysal Wasaare Kristersson ayaa ka digay in la faafiyo warar lagu argagax-gelinayo shacabka, isagoo intaasi ku daray in badi dugsiyada ay yihiin goobo ammaan ah.
Booliska Örebro ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka, waxa ay ku sheegeen isku day dil, dab qabad iyo dembiyo hub sharci darro ah.
Booliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay baadigoobayaan, haddii ay jiraan cid kale oo ku lug leh weerarka oo hadda ka fog goobta ay wax ka dhaceen, inkastoo sida ay sheegeen aysan illaa iyo hadda arkin wax calaamado ah oo muujinaya in shakhsiga weerarka gaystay laga la shaqeeyay falkaasi.
"Ma filayno in weeraro kale ay dhacayaan, mana jiro wax xiriir ah oo looga shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay argagixisada." Ayaa lagu yiri warka booliska.
Ma cadda ujeedka weerarka iyo waxa ninkaasi ku kalifay in uu beegsado dad aan waxba galabsan. Boolisku ma sheegin heybta ninkaasi.
Wasiirka Caddaaladda, Gunnar Strömmer ayaa sheegay in hay'adaha kale ee amniga dalka ay Booliska Örebro ka caawin doonaan galka baarista.
Booliska ayaa xiray iskuulka ay wax ka dhaceen, iyadoona maamulka degmada uu sheegay in illaa toddobaad uu sii xirnaan doono.
Maamulka ayaa bayaan ku sheegay in iskuulada kale ee Örebro ay sii furnaan doonaan.
22-kii bishii October ee sanadkii 2015, saddex qof ayaa lagu dilay weerar la xiriira isir naceyb oo ka dhacay dugsi ku yaala magaalada galbeedka ee Trollhattan. Anton Lundin Pettersson ayaa seef ku weeraray Dugsiga Sare ee Kronan, waxaana uu xilligaasi dhaawacay laba qof oo kale. Trollhattan ayaa ah magaalada saddexaad ee Sweden ugu weyn, waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan ee dalkaasi.