11 qof oo midi uu sarkaal ahaa oo lagu dilay weeraro Israel ka gaysatay Lubnaan

Israel ayaa Sabtidan weeraro xagga cirka ah ka gaysatay koonfurta dalka Lubnaan, kani oo noqonayo mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ay ka gaysato dalkaasi, tan iyo intii ay xiisaddan dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Diyaaradaha Israel ayaa garaacay bartilmaameedyo ku yaala Magaalada Nabatieh, iyaga oo halkaasi ku dilay toban qof, shan kalena ay ku dhaawaceen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.

“Dhammaan dadkan ku dhintay duqaymaha ayaa u dhashay dalka Suuriya. Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay ayaa ka mid ah dadka dhintay.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaraddu.

Warka ayaa lagu sheegay “Sidoo kale duqaymahan ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof, kuwaas oo laba ka mid ah ay xaaladoodu liidato. Saddex ka mid ah dadkan waa Suuriyaan, mid Sudanese ah iyo mid Lubnaani ah. Labada qof ay xaaladoodu liidato waa muwaadiniin Suuriyaan ah.”

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay aroornimadii hore ee saakay duqeeyeen goobo kala duwan, oo sida ay sheegeen uu ku jiro bakhaar hub ugu kaydsanaa Xisbullah oo ku yaala duleedka Magaalada Nabatieh.

Xisbullah oo ka jawaabeysa weerarkaasi ayay xoogagooda garaaceen deegaanka Ayelet Hashahar ee waqooyiga Israel. Taliska Militariga Israel ayaan ka hadlin, haddii gantaalahaasi ay khasaare gaysteen.

Dhanka kale diyaarad dagaal oo Israel ay leedahay ayaa weerartay mooto uu la socday sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbullah, xilli ay mareysay duleedka magaalada xuduudda ku dhow ee Tyre.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay hawlgal xagga cirka ah ku dileen Hussein Ibrahim Kaseb, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xisbullah ee Guutooyinka Radwan. Guutooyinka Radwan waa ciidan si gaar ah u tababaran oo Xisbullah ay leedahay.

Sida ay ku warantay Warbaahinta gobolka, Xisbullah ayaa caawa xaqiijisay geerida Hussein Ibrahim Kaseb.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee ay Israel ka gaysato dalka Lubnaan, tan iyo October 8-deedii, markaas oo Xisbullah iyo Israel ay bilaabeen in ay gantaalo isku weydaarsadaan deegaanada xuduudda ee labada dal.