19 nin oo midkood uu horjooge yahay oo la sheegay in lagu dilay Hirshabelle

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa caawa sheegtay in hawgalo laga fuliyay Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle lagu dilay 19 maleeshiyaad iyo horjooge ka tirsanaa Al Shabaab.

Hay'adda NISA ayaa sheegtay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen labada gobol ee Hirshabelle, isla-markaana ay beegsadeen xubno Shabaab ah oo ku howlanaa falal argagixiso.

"Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgalo qorsheysan oo ka kala dhacay Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ku khaarijiyay 19 dhagarqabe iyo horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa abaabulka maleeshiyaad, kaydinta hubka iyo qorsheynta falal argagixiso oo lagu dhibaateynayay shacabka Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay NISA.

NISA ayaa sheegtay in hawlgalka koowaad uu ka dhacay deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo ay sheegtay in Shabaabku ay ku uruurinayeen maleeshiyaad loo diyaarinayay fulinta falal argagixiso, laguna dilay 12 xubnood.

"Hawlgalka koowaad ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Geel-gub, oo hoos taga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo Khawaarijtu ku uruurineysay maleeshiyaad loo diyaarinayay fulinta falal argagixiso. Weeraro is xigay oo lagu bartilmaameedsaday goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen ayaa lagu khaarijiyay 12 dhagarqabe, waxaana lagu burburiyay fariisimihii iyo gabaadyadii ay kooxda u adeegsaneysay abaabulka iyo diyaarinta weerarrada." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hawlgalka kale oo ka dhacay deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan ayay NISA sheegtay in lagu dilay toddobo xubnood oo midkood uu ahaa horjooge ay magaciisa ku soo koobtay Faaruuq.

"Dhanka kale, hawlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu burburiyay xarun ay Khawaarijtu u adeegsaneysay kaydinta hubka laga soo uruurin jiray Gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud. Hawlgalkaas waxaa lagu khaarijiyay toddobo dhagar-qabe oo uu ku jiray Horjooge Faaruuq oo qaabilsanaa kaydka hubka, waxaana sidoo kale lagu gubay hubkii iyo agabkii yaalay xaruntaas, oo ay ka mid ahaayeen labo Cabdi Bile, Nooho iyo labo Mooto." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hawlgaladan ayaa loo adeegsado duqaymo cirka ah, iyadoo duqaynta ka dhacday Buq Aqable ay u muuqato middii labaad ee laba bilood gudahood laga fuliyo deegaankaasi oo dhaca galbeedka Gobolka Hiiraan.

Horaantii bishii June ayaa sidaan oo kale xagga cirka looga duqeeyay Buq Aqable, oo ay si weyn ugu xoogan tahay Al Shabaab.