280 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dalka India

Ugu yaraan 280 qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen, 900 oo kalena ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay Gobolka Bariga India ku yaala ee Odisha, sida ay sheegeen Saraakiisha dalkaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in shilku uu ka dambeeyay, ka dib markii gelinkii dambe ee Jimcihii ay isku dhaceen laba tareen.

Saraakiisha ayaa sheegay in tareenada shilka galay ay kala yihiin Coromandel Express iyo Howrah Superfast Express.

Xoghayaha Guud ee Gobolka Odisha, Pradeep Jena ayaa sheegay in 200 oo gaadiidka ambulance-ka ah loo diray goobta uu shilku ka dhacay.

Sudhanshu Sarangi, Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha Dab Demiska ayaa sheegay in dhimashadu ay hadda gaartay 288 qof.

Masuuliyiinta ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada uu ka badan karo inta hadda laga warqabo.

Raysal Wasaaraha India, Narendra Modi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhacdadaasi, isla-markaana uu murugada la qaybsanayo qoysaska dhibaneyaasha.

Shilkan ayaa noqonaya kiisii ugu xumaa ee muddo tobanaan sano ah ka dhaca dalkaasi.