85 qof oo lagu dilay weerar ay Israel ka gaysatay Koonfurta Iran

Duqayn ay Israel ka gaysatay Dugsiga Hoose Gabdhaha ee Magaalada Minab ee Gobolka Hormozgan ayaa lagu dilay in ka badan 80 qof, iyadoo Mareykanka iyo Israel ay maanta weerar ballaaran ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaala gudaha Iran.

Wakaaladda Wararka Tasnim ee Iran laga leeyahay ayaa Waaxda Garsoorka ee Minab ka soo xigatay in dhimashada ay mareyso 85 qof, ka dib weerarka Sabtidan lagu qaaday iskuulka ku yaala magaaladaasi.

Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA ayaa ku warantay in kooxaha gurmadka ay nadiifinayaan goobta, halkaasoo 63 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka laga gaystay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in duqaynta lagu burburiyay Dugsigii Hablaha ee Minab, wuxuuna sheegay in lagu dilay carruur aan waxba galabsan.

"Daraasiin carruur ah oo aan waxba galabsan ayaa lagu dilay goobtan oo keliya." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo dadka la wadaagay sawirka burburka ee iskuulka.

Wasiir Araghchi ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay "Dembiyadan ka dhanka ah dadka Iran ma noqon doonaan kuwo bilaa jawaab ah."

Esmaeil Baghaei, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku booriyay in tallaabo laga qaado dembiyada cad ee Israel iyo Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka iyo Iran ayaa si wadajir ah u fuliyay weeraro ay Sabtidan ka gaysteen guud ahaan dalkaasi Iran, kuwaas oo dhaliyay in dagaalku uu si degdeg ah ugu fido Gobolka Bariga Dhexe.

Wasaaradda Caafimaadka Iran ayaa laga soo xigtay in kumanaan rayid ah la dilay amaba la dhaawacay iyo in waxyeelo loo gaystay kaabeyaasha rayidka ee dalka.

Iran ayaa gantaaladeeda ridada dhexe iyo kuwa ridada dheer ku harqisay ku dhawaad 10 dal oo Carbeed, oo Mareykanku uu ku leeyahay saldhigyo militari.

Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa sidoo kale garaacaya bartilmaameedyo ku yaala gudaha Israel, iyagoo kaga jawaabaya xadgudubka lagu soo sameeyay madaxbannaanida iyo qaranimada dalkaasi.

Dad badan oo ku nool Bariga Dhexe ayaa la anfariiray falcelinta xoogan ee ay Iran ka bixisay weerarada maalintii koowaad ee dalkeeda lagu soo qaaday, waxayna dadku isweydiinayaan sida uu xaalku noqon karo, haddii weerarada lagu hayo Iran ay sii socdaan maalmaha soo socda.

Iran ayaa marar badan Dowladaha Carabta iyo kuwa kale ee gobolka uga digtay in hawadooda laga soo weeraro, haddii kalena ay bartilmaameed sharci ah noqon doonaan.

Dalalka Carabta ayaa cambaareynaya weerarada uga imanaya Iran, iyadoo Tehran aysan wax dheg jalaq ahi u siineyn cambaareyntaasi.