Abu Ubaida oo sheegay in Xamaas ay u suurtagashay inay qoroto kumanaan dagaal-yahano

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay in kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay yihiin kuwo aan weli la loodin karin, ka dib sagaal bilood oo Israel ay weerar ballaaran ku haysay Marinka Gaza.

Afhayeenka ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in xoogaga wax iska caabinta ay xakameeyeen Ciidamada Israel ay gudaha u soo galay Marinka Gaza, iyadoo aysan jirin wax kaalmo dibadda ah oo ay heleen xoogagaasi, shacabkooduna loo diidan yahay cuntada iyo sahayda dawada.

"Ciidamadeennu waxay dagaalamayeen sagaal bilood, waxayna jebiyeen ciidamada cadowga ah, kuwaas oo ay taageerayaan Mareykanka iyo Ingiriiska." Ayuu yiri Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta ay qorteen kumanaan dagaal-yahano cusub, muddada ay Israel xasuuqa ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

"24-ka guuto ee Al Qassam oo ay wehliyaan kooxaha kale ee wax iska caabinta Falastiin ayaa la dagaalamaya Ciidamada Israel, waxayna si xanuun leh ugu garaacaan qayb kasta oo ay kaga soo duulaan Marinka Gaza." Ayuu yiri Abu Ubaida.

Waxa uu sheegay in jabka Ciidamada Israel lagu gaarsiinayo labada furin ee haatan uu sida tooska ah uga soconayo dagaalka Marinka Gaza ay caddeyn u tahay iska caabinta nool ee dagaal-yahanada Falastiiniyiinta.

"Dagaalka ka soconaya Rafah iyo Shejaiya waxay daliil u tahay awoodda iska caabinteenna iyo fashilka & jabka ee cadowga." Ayuu yiri Abu Ubaida.

Abu Ubaida ayaa wacad ku maray in xoogagooda ay difaaci doonaan dhulka Falastiiniyiinta, isla-markaana ay ka saari doonaan cadowga ku soo duulay, sida uu yiri.

Warka Abu Ubaida ayaa imanaya sagaal bilood oo u buuxsantay, tan iyo intii ay colaaddan dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Inkastoo ay khubaradu qireyso in Ciidamada Israel looga gacan sarreyo meedaanka dagaalka, haddana ciidamadaasi ayaa dadka rayidka ah ku leynaya goobaha ka caagan dagaalada.