Amnesty International oo Israel ku eedeysay in dembi dagaal ka gaysatay Gaza
Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa si adag uga hadashay xaaladda bani'aadanimo ee Maamulka Israel uu ka abuuray Marinka Gaza, ka dib markii ay go'doomin dhameystiran ku soo rogayn.
Hay'adda ayaa walaac xoogan ka muujisay tallaabada ay Ciidamada Israel ku hor istaaggeen in magaalada la geeyo shidaalka, sahayda cuntada iyo dawooyinka.
"Koronto la'aanta ka jirta Gaza ayaa kaga sii dari doonta xaaladda bani'aadantinimada ee quusta ah, ee ay wajahayaan in ka badan 2.2 milyan oo qof oo ku go'doonsan Marinka Gaza, xilli Israel ay magaalada ka gaysaneyso duqaymo baahsan, oo ay ku dishay ugu yaraan 1,350 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 6,000 oo kale." Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Hay'adda Amnesty International.
Hay'adda ayaa sheegtay in duqaymaha lixaadka leh ee Israel ay ka dambeysay weerarkii ay Xoogaga Xamaas Sabtidii ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.
"Koronto la'aanta ayaa Marinka Gaza ka dhigtay mugdi, waxay uga sii dari doontaa masiibada bani'aadantinimada ee socota, waxayna sii xaddidi doontaa isgaarsiinta iyo isticmaalka internet-ka. Goynta korontadu waxay saameyn ba'an ku yeelan doontaa adeegyada muhiimka ah iyo helitaanka biyo nadiif ah, waxayna sababi doontaa masiibo caafimaad dadweyne oo isbitaalada Gaza ah, oo markii horeba aan haysan qalab caafimaad oo muhiim ah, xilli dhakhaatiirtu ay la halgamayaan inay daweeyaan kumanaanka sida xun ugu dhaawacmay weerarada Israel. Waxa kale oo ay halis gelin doontaa nolosha bukaanada isbitaalada, oo ay ku jiraan dadka ku jira xaaladaha degdegg ah, oo ay ka mid yihiin dhallaanka." Ayaa lagu sheegay warka hay'adda.
Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Hay'adda Amnesty International, haweeneyda lagu magacaabo Agnès Callamard ayaa Israel ugu yeertay in ay soo afjarto go'doominta ay lix iyo tobanka sano ku hayso Gaza.
"Maamulka Israel waa in ay si degdeg ah u soo celiyaan adeeggii korontada ee Gaza, ayna joojiyaan xayiraadaha sii kordhaya ee lagu soo rogay amarkii 9-kii bishii October ee 2023 ka soo baxay Wasiirka Difaaca Israel, isla-markaana ay qaadaan xayiraadda sharci darrada ah ee 16-ka sano saaran Marinka Gaza." Ayay tiri Agnès Callamard.
Agnès Callamard ayaa tilmaamtay in ciqaab wadareedka ee dadka reer Gaza wajahayaan ay tahay dembi dagaal, naxariis darro iyo wax ka baxsan bani'aadantinimada, iyadoo intaa ku dartay in Israel uu waajib ka saaran yahay in ay ilaaliso shuruucda caalamiga.
"Ciqaabta wadareedka dadka rayidka ah ee Gaza waxay u dhigantaa dembi dagaal, waa naxariis darro iyo wax ka baxsan bani'aadantinimada. Maamulka meesha haysta ee Israel waxaa saaran waajibaaad cad, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, si loo hubiyo in la buuxiyo baahiyaha aasaasiga ah ee dadka rayidka ah ee Gaza." Ayay tiri Agnès Callamard.
Warka Amnesty International ayaa imaanaya, iyadoo Hay'adaha Qaramada Midoobey ay si weyn uga walaaceen gabood-falada ay Israel ka waddo Gaza.





