António Guterres oo sheegay in colaadda Bariga Dhexe ay sii fogaaneyso
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa walaac ka muujiyay, sida Gobolka Bariga Dhexe uu qarka ugu saaran yahay xaalad aan la qiyaasi karin, ka dib markii Israel ay ballaarisay weeraradeeda ka dhanka ah Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaaan.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa fiidnimadii xalay duqeeyay oo dhulka la simay dhowr dhisme, oo sida ay sheegeen uu ku jiro dabaq dhulka hoostiisa u qodan, oo Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah uu shir ku qabanayay. Sidoo kale Israel ayaa saqdii dhex ee xalay illaa saaka duqaymo baahsan ka waddo guud ahaanba dalkaasi.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dagaalka dalka Lubnaan uu Bariga Dhexe u horseedayo cawaaqib buu yiri aan la qiyaasi karin.
Xoghayaha ayaa sheegay in dagaalkan uu uga sii darayo xiisaddii bilowgii hore ka dhalatay weerarada dhimashada faraha badan sababay ee weli ay Israel ka waddo Marinka Gaza.
"Dhimashada iyo burburka aan horey loo arag ee Gaza ayaa hadda halis ku ah in ay gobolka oo dhan ku riixaan godka." Ayuu yiri Xoghaye Guterres.
Guterres ayaa ka digay "Dagaalka Lubnaan wuxuu horseedi karaa koror dheeri ah, oo ay ku lug yeeshaan awoodaha dibadda."
Guterres ayaa taageeray qorshaha xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ee ay soo jeediyeen Mareykanka iyo Faransiiska, si wada-xaajood loogu dhameeyo xiisadda Lubnaan iyo Israel.
"Waxaan si buuxda u taageersanahay soo jeedinta xabad joojinta KMG ah oo ogolaaneysa gaarsiinta gargaarka bani'aadantinimo iyo u gogol xaaridda dib-u-soo-noqoshada wada-xaajoodyada culus ee nabadda waarta ee guud ahaan khadka buluugga ah." Ayuu yiri Guterres.
Guterres ayaa ku baaqay in wax kasta oo qiimo ah lagu bixiyo, sidii wax looga qaban lahaa colaadda uu sheegay inay ku sii fideyso gobolka.
Mr. Guterres ayaana ku taliyay in laga wada fogaado dagaal goboleed, isagoona yiri "Waa inaan ka fogaanaa dagaal goboleed, wax kasta oo ay ku kaceyso."
Khadka buluugga waa barta kala qaybisa xuduudda labada dal, waxaana ku sugan ciidan nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobey.
Washington iyo Paris oo ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee Israel ayaa sheegay in xabad joojinta 21-ka cisho ah ay muhiim u tahay in la sameeyo wada-xaajoodka nabadda ee loo baahan yahay.
Israel ayaa si qoto u garaaceysa dalka Lubnaan, ka dib markii ay ka hortimid inay aqbasho baaqa Faransiiska iyo Mareykanka oo dowlado badan ay soo dhaweeyeen.