António Guterres: Waxaan cambaaraynayaa ficilada Israel ay ku dishay dad badan oo aan waxba galabsan

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa si adag uga hadlay weerarada ay Ciidamada Israel ku bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyay weerarkii ugu dambeeyay ee Israel ay habeenkii Axadda ka gaysatay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza. 

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay, tobanaan kale way ku dhaawacmeen, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay bartilmaameedsadeen xerada dadka barakacayaasha degan yihiin ee xaafadda Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafah.

"Waxaan cambaaraynayaa ficilada Israel ay ku dishay dad badan oo aan waxba galabsan, kuwaas oo keliya raadsanayay gabaad ay ka galaan colaaddan lagu hoobtay." Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghayaha ayaa Israel ku eedeeyay in ay Marinka Gaza oo dhan ka dhigtay meel aan ammaan ahayn.

"Ma jirto meel nabdoon oo ku taala Gaza. Argagaxani waa inuu joogsadaa." Ayuu yiri António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghaye Guterres ayaa horey uga digay in Israel ay hawlgal ka bilowdo deegaanka Rafah, sababo ku aaddan dunida oo u tixgelineysay goob bani'aadantinimo, markii ay gabaad ka dhigteen 1.5 milyan oo barakacayaal ah.

Israel oo iska dhego tirtay baaqyada caalamiga ah ayaana 7-dii bishan bilowday hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee Rafah, oo ay ku barakaceen ku dhawaad hal milyan oo qof.

Hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan ugu dambeeyay ee galaaftay nolosha dadka badan.

Dunida ayaa si weyn uga careysan kororka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee dadka reer Gaza.

Habdhaqanka guracan ee Israel ayaa ka sii fogeynaya dunida, oo markii horeba u arkeysay nidaam aan lahayn sawir wanaagsan oo dhanka bani'aadantinimada (Xuquuqul insaanka) ah.

Dowladaha Spain, Ireland iyo Norway ayaa lagu wadaa in maanta ay si rasmi ah u aqoonsadaan Dowladda Falastiin.