Australia iyo Midowga Yurub oo Iran ugu baaqay inay furto Marinka Hormuz
Raysal Wasaaraha Australia, Anthony Albanese iyo Madaxa Guddiga Fulinta ee Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa si wadajir ah ugu baaqay inay Iran furto marin biyoodka Hormuz, ka dib shir jaraa'id oo maanta ay ku qabteen Magaalada Canberra.
Raysal Wasaaraha Australia ayaa sheegay in xirnaanshaha Hormuz uu saamayn togan ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, isagoona sheegay inaanan loo baahneyn in uu sii xirnaado marinka muhiimka ah.
Raysal Wasaare Albanese oo Wariyeyaasha ay weydiiyeen suurtagalnimada in Australia ay ka qayb qaadan karto hawlgal lagu sugayo amniga Hormuz ayaan si toos ah uga jawaabin su'aashaasi, waxaase uu sheegay in dalkiisu uu taageero siiyay Emirate-ka Carabta, iyadoo laga jawaabayo codsiga Abu Dhabi ee ku aaddan in Canberra ay siiso gantaalada difaaca hawada ee AMRAAMs.
Ursula von der Leyen ayaa iyana sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin colaadda ka jirta Gobolka Bariga Dhexe, iyadoona Iran ugu yeertay inay joojiso ficiladeeda Marinka Hormuz.
"Iran waa inay joojisaa hanjabaaddeeda, dhigista miinooyinka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarada gantaalaha iyo isku dayga kale ee lagu doonayo in lagu joojiyo marin biyoodka ganacsiga." Ayay tiri Ursula von der Leyen.
Iyadoo sii hadleysay ayay tiri "Weeraradii ugu dambeeyay ee Iran ay ku qaadday maraakiibta ganacsi ee aan hubeysnayn ee Khaliijka, weerarada ka dhanka ah kaabeyaasha dhaqaalaha sida shidaalka iyo gaaska iyo xiritaanka Ciidamada Iran ee marin biyoodka Hormuz waa wax aan la aqbali karin, oo ay tahay in la cambaareeyo. Waxa kale oo aan rabaa in aan carabka ku adkeeyo in xorriyadda socdaalku ay tahay mabda'a aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah."
Haweeneydan ayaa dhinacyada ku dagaalamaya gobolka ugu baaqday in dagaalka lagu bedelo wada hadal, iyadoo colaadda la soo afjarayo.
"Waxaan u maleynaynaa in la joogo waqtigii aan aadi lahayn miiska wada hadalka, lana soo afjari lahaa colaadda." Ayay tiri Ursula von der Leyen oo intaasi ku dartay "Xaaladdu waxay aad muhiim ugu tahay sahayda tamarta adduunka oo dhan. Dhammaanteen waxaan dareemaynaa saamaynta dagaalka ee qiimaha gaaska iyo batroolka, ganacsigeenna iyo bulshadayada."
Shirkoodan jaraa'id ayaa geba-gabo ahaa heshiis iskaashi ganacsi oo labada dhinac ay Talaadadan kala saxiixdeen, iyadoona Ursula von der Leyen ay booqatay Xarunta Baarlamaanka Australia ee Canberra, halkaas oo ay kula hadashay Xildhibaanada Baarlamaanka.














