Azerbaijan oo ku biirtay dalalka diidan in hawadooda lagaga duulo Iran

Dowladda Azerbaijan ayaa waxay si cad u sheegtay inaanay ogolaan doonin in hawadeeda lagaga duulo Iran, xilli Mareykanka uu damacsan yahay in uu duulaan hawada ah ku qaado dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Jeyhun Bayramov ayaa sheegay in Xukuumadda Baku aanay marnaba ogolaan doonin in hawadeeda laga weeraro dalka ay deriska yihiin ee Iran.

"Azerbaijan marnaba ma ogolaan doonto in hawadeeda ama dhulkeeda loo isticmaalo meel laga weeraro dalka Iran." Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed ay wasaaraddiisu soo saartay.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Baku aysan dowlad-na ka ogolaan doonin in hawadeeda ama dhulkeeda lagaga duulo Iran.

Bayramov oo xalay khadka teleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa u sheegay in Azerbaijan aan marnaba laga soo weerari doonin Iran.

Bayramov ayaa Mr. Araghchi la wadaagay in xiisadda ka soo cusboonaatay Gobolka Bariga Dhexe ay abuurtay walaac si guud looga dareemay gobolka oo dhan.

Bayramov ayaa sheegay in Azerbaijan ay caddeysay mowqifkeeda ah in dhinacyada ay u baahan yihiin inay ka fogaadaan tallaabooyinka iyo hadalada cunfiga leh ee horseedi kara xasillooni darro saameysa gobolka.

Dhammaan dalalka Khaliijka iyo kuwa kale ee gobolka ayaa waxay si weyn uga horyimaadeen in hawadooda loo isticmaalo meel uu Mareykanka kaga duulo dhulka Iran.

Dalalka gobolka ayaa si dhab ah u qaatay hanjabaadda Wasiirka Difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh ee ku aaddan in Tehran ay garaaci doonto dhammaan saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay gobolka, haddii madaxbannaanideeda lagu soo xadgudbo.

Wasiirka ayaa ka digay in haddii dalkiisa lagu soo gardarrooda aanay jiri doono sabab looga tago Saldhigyada Militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Mareykanka ayaa ah dalka saldhigyada ugu badan ee militari ku leh Bariga Dhexe.

Iran ayaa ah dalka ugu weyn Bariga Dhexe ee haysta gantaalada ugu badan ee ballaastikada, kuwaas oo awood u leh inay garaacaan dhammaan danaha Mareykanka ee gobolka, taasoo walaac weyn ku haysa dalalka gobolka.