Baarlamaanka Israel oo ansixiyay sharci mamnuucaya shaqada UNRWA ee dhulka Falastiiniyiinta

Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa ansixiyay hindise sharciyeedyo sharci ka dhigaya inaysan Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ka hawlgeli karin Daanta Galbeed, Marinka Gaza iyo gudaha Israel.

Xildhibaanada Baarlamaanka Israel ayaa xalay fiidkii si aqlabiyad leh ugu codeeyay laba sharci, oo asal ahaan mamnuuc ka dhigaya in Hay'adda UNRWA ay ka sii shaqeyso Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, xilligan oo dunida ay ka qaylo dhaamineyso xaaladda bani'aadantinimo ee dadka reer Gaza.

Sharciyadan ayaa si ba'an loogu xakameynayaa dhaqdhaqaaqyada hay'addaasi ee Gaza, Daanta Galbeed iyo faraceeda Israel.

Sharciga hore oo ay ansixiyeen 92 Xildhibaan ayaa hay'adda ka mamnuucaya inay ka shaqeyso gudaha Israel, halka kan labaad oo 87 Xildhibaan ay u codeeyeen lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqyadeeda Daanta Galbeed iyo Gaza. Sharcigan ayaa masuuliyiinta gobolka ka hor istagaya in lala shaqeeyo hay'addaasi.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in sharciyadan ay wax aan macquul ahayn ka dhigayaan in UNRWA ay ka shaqeyso dhulka Falastiiniyiinta, Tel Aviv la'aanteed, maadaama Israel ay haysato Daanta Galbeed, sidoo kalena ay ciidamadeeda ku sugan yihiin xadka Marinka Gaza iyo Masar.

UNRWA waa hay’adda ugu weyn dhanka samafalka ee ka hawlgasha Marinka Gaza, waana hay'adda isku dubaridda gargaarka la geeyo dhulka go'doonsan.

Hay'addu waxay waxbarasho, daryeel caafimaad iyo gargaarba ay siisaa mallaayiin Falastiiniyiin ah, oo ku nool Gaza, Daanta Galbeed, Jordan, Lubnaan iyo Suuriya.

Philippe Lazzarini oo ah Madaxa Hay'adda UNRWA ayaa ka digay in sharcigu uu u taagan yahay tusaale khatar, isla-markaana uu jebinayo Axdiga Qaramada Midoobey.

"Sharciyadan waxay keliya ay kordhin doonaan dhibaatada haysata Falastiiniyiinta, gaar ahaan dadka Gaza oo ku jiray in ka badan hal sano oo cadaab ah." Ayuu yiri Lazzarini oo hadalkan ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Ka hor codeynta, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ka digay in tani ay noqon doonto mid masiibo ah.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa isna sheegay in tani ay yeelan doonto cawaaqib xun.

Dalal dhowr ah oo kuwa reer galbeedka ah oo Mareykanka uu ku jiro ayaan taageerin labada xeer ee lagu curyaaminayo shaqada UNRWA.

Israel ayaa bishii January sheegtay in 12 ka mid ah Shaqaalaha Hay'adda UNRWA ay ka qayb qaateen weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii hore, iyadoo aan soo bandhigin wax caddeymo ah. Bartamihii sanadkan ayay sidoo kale sheegtay in dagaal-yahanada Falastiiniyiinta ay ka mid yihiin shaqaalaheeda.

Baaritaan ay sameeyeen guddi ay horkaceysay Catherine Colonna ayaa lagu sheegay in eedeymaha Israel ay hay'addaasi u jeedisay ay yihiin kuwo aan sax ahayn.

Catherine Colonna oo horey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha DIbadda Faransiiska ayuu guddigeeda uu UNRWA ka fogeeyay inay tahay hay'ad argagixiso, ka dib markii Baarlamaanka Israel uu 29-kii bishii May uu ansixiyay qaraar hay'adda loogu aqoonsanayo urur argagixiso.

Guddiga ayaa ammaanay shaqada ay hay'addu u hayso shacabka Falastiin.