Beesha Xawaadle iyo Al Shabaab oo la sheegay inay heshiis kala saxiixdeen
Ka dib kulan ay Saraakiisha Al Shabaab iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Xawaadle qaarkood ku yeesheen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay ku gaareen heshiis lagu soo afjarayo colaadda labada dhinac.
Bayaan wadajir ah oo Sabtidii lagu baahiyay Warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay si rasmi ah uga heshiiyeen colaadda iyo dagaaladii ku dhex marayay bariga Gobolka Hiiraan.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ay ka heshiiyeen dhammaan khilaafyadii iyo mad madowgii soo kala dhex galay, isla-markaana ay beeshu ogolaatay in deegaanadeeda ay ku nabad gelaan dagaal-yahanada Al Shabaab.
"Beeshu waxay isla garatay inay xoojiso garab istaaga Jihaadka iyo Mujaahidiinta, ayna u hurto naftooda iyo maalkooda." Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa lagu xusay inay beeshu aqbashay inaanan deegaanadeeda laga abaabulin, laga hawlgelin, magangelyana aan lagu siinin Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan. Qodobkan ayaa u gogol xaaraya in la kala diro Macawiisleyda reer Hiiraan oo Ciidanka Xoogga Dalka ka taageera la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
"Beesha waxay adkeynaysaa ilaalinta, xoojinta iyo fulinta ballamihii ay wada galeen iyaga iyo Mujaahidiinta, lagana hortago wax kasta oo dhaawac u keeni kara heshiiskii la gaaray." Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaankan oo 16 qodob ka koobnaa ayaa waxaa geba-gabadii kulanka ka akhriyay Nabadoon Cabdishakuur Muuse Cilmi Ugaas.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay tobanaan nin oo lagu sheegay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Xawaadle, halka dhinaca Al Shabaab ay ku metelayeen xubno ay ka mid yihiin Xuseen Cali Fiidow, Xasan Yacquub Cali iyo Maxamed Abuu Cabdalla.
Heshiiskan ayaa imanaya, ka dib khilaafkii xooganaa ee bishii September soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo hoggaanka siyaasadeed iyo dhaqanka gobolkaasi, ka gadaal markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu taageeray musharaxnimada Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Urur Siyaasadeedka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa 13-kii September si rasmi ah Cali Guudlaawe ugu xushay inuu noqdo musharaxa ku metelaya doorashada madaxtinimada Hirshabelle.
Haldoorka beesha bariga Gobolka Hiiraan ayaa si adag uga horyimid in Cali Guudlaawe uu mar labaad u tartamo xafiiska, iyagoona Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu jebiyay heshiiskii siyaasadeed ee ilaalinayay in xilka hoggaanka sare ee Hirshabelle uu si meerto ah ugu kala wareego labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Si kastaba ha-ahaatee heshiiska lagu gaaray Degmada Maxaas ayaa halis gelin kara kacdoonkii ka dhanka ahaa Al Shabaab ee sanadkii 2022 ka bilowday Gobolka Hiiraan.







