Kooxo hubeysan oo weeraray Degmada Qoryooley

Kooxo hubeysan ayaa Sabtidan weerar ku qaaday Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay iska horimaad kula galeen Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay isku dayeen in ay isku fidiyaan degmada, balse ay ka hor istaaggeen Ciidamada Koonfur Galbeed.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya, waxa ay yihiin kooxda weerarka ku qaadday degmadaasi ee markii dambe dib looga saaray. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay yihiin maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, halka warar kalena ay sheegayaan in ay yihiin ciidamo taabacsan maamulka la magac-baxay Koonfur Bari, oo sheegtay in ay yihiin garab ka go'ay Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa laga soo xigtay in laba maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen gudaha degmada, maleeshiyo horey u joogtay degmada iyo mid dibadda ka soo duushay.

Hase yeeshee Gudoomiyaha Degmada Qoryooley, Cabdi Axmed Cali oo mar dambe ka hadlay iska horimaadka ka dhacay degmadiisa ayaa ku waramay in ciidamo ka tirsan Koonfur Bari ay maanta soo weerareen Qoryooley.

"Dagaalku wuxuu salka ku hayaa niman Koonfur Bari sheeganayo oo deegaanadan inay isku fidiyaan rabaan oo saldhiggooda uu Marka yahay." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo Universaltv la hadlay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Qoryooley ay ku sugan yihiin ciidan xoog leh oo ka tirsan Koonfur Galbeed, isla-markaana aysan qabsan karin koox dibadda ka soo duushay.

Taliyaha Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Degmada Qoryooley, Gaashaanle Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa isna sheegay in ciidamada soo weeraray degmadaasi ay ka tirsan yihiin sida uu yiri Koonfur Bari.

"Ciidanka magaalada soo weeraray Koonfur Bari ayaa la dhahaa." Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray "Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyagana way iska caabiyeen."

Taliyaha ayaa ka digay "Annaga nabadda waan jecel nahay, Koonfur Galbeed baana nahay. Koonfur Galbeed  cid kasta oo ka soo horjeeddo tallaabo ayaan ka qaadaynaa."

Gaashaanle Cali Waal ayaa sheegay in uu arkay meydka hal nin oo dagaalka ku dhintay, kaas oo uu xusay inuu ka tirsanaa ciidamadii soo weeraray magaalada.

Degmada Qoryooley ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ku soo badanayay iska horimaadyada u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah, kuwaas oo aad mooddo in ay ku loolamayaan awoodda maamulka.

Qoryooley waa mid ka mid ah Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose ee ugu dadka badan, taas oo qiyaastii 120km dhinaca koonfureed uga beegan Caasimadda Muqdisho.