Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta gaaray magaaladaasi.

War ka soo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, amniga, dowlad-dhiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Aadan Madoobe uu codsi u dirsaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan si uu uga taageero, sidii salka loogu dhigi lahaa maamulkiisa cusub.

Maxamed Mursal oo muddooyinkii u dambeeyay ku noolaa dalka dibaddiisa ayaa horey uga horyimid is bedelkii siyaasadeed iyo amni ee 30-kii bishii March ka dhacay Magaalada Baydhabo, meeeshana looga saaray hoggaankii hore ee Koonfur Galbeed ama Maamulkii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Maxamed Mursal oo ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa xitaa ka horyimid doorashadii 10-kii bishii June ka dhacday Baydhabo ee Aadan Madoobe loogu doortay xilka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Maxamed Mursal ayaa la xusuustaa in uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhalleeceeyay in uu ku tumanayo shucuuda dalka, isla-markaana uu dib-u-dhac siyaasadeed u horseedayo shacabka Soomaaliyeed.

Aadan Madoobe oo Khamiistan shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada Baydhabo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada ay ugu yimaadeen wafdiga uu horkacayo Maxamed Mursal, isla-markaana ay ka doonayaan inay hoggaamiyaan dib-u-heshiisiinta dadka reer Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa sheegay inay doonayaan in la xalliyo oo la dhameeyo wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, isla-markaana aan loo baahnayn iska horimaadyo hubeysan oo dad ku dhintaan.

Aadan Madoobe ayaa garabka ka soo horjeeda ugu baaqay wada hadal iyo in is afgarad lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed, halkii la adeegsan lahaa qori caaraddii iyo dagaal keeni kara dhimasho iyo burbur.

Maamulka Aadan Madoobe ayaa loolan siyaasadeed iyo mid ciidan kala kulmaya hoggaankii hore ee Koonfur Galbeed, oo aan aqoonsanayn doorashadiisa.

Safarka wafdiga Maxamed Mursal ee Baydhabo ayaa rajo gelinaya Aadan Madoobe, si uu xasillooni ugu dhameysto shanta sano ee xafiiska loo doortay.