Saraakiisha Guutada 22aad ee Kumaandooska Gorgor oo la dhaariyay

Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada Guutada 22aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, Taliyaha Taliska Tababarada & Doctrine-ka ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Ciise Axmed iyo Saraakiil kale oo ka kala tirsan Militariga Somaliya iyo Turkiga ayaa ka qaybgalay munasabadda dhaarinta.

"Munaasabadda ayaa lagu muujiyay diyaargarowga, anshaxa iyo heeganka ciidanka cusub, kuwaas oo loo diyaariyay inay gutaan waajibaadkooda qaran, difaacaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana u adeegaan ilaalinta amniga iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya." Ayaa lagu yiri war maanta lagu daabacay bogga wararka ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Kaaliyaha Taliyaha Militariga Somaliya ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa, wadajirka, daacadnimada iyo waajibaadka qaranimo, iyagoo mar walba dhowraya sharciga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Turkiga oo ah xulafo muhiim ah oo Somaliya ay leedahay ayaa xoojinaya dhismaha iyo tababarka Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna sanad kasta soo saaraa cutubyo cusub oo biira ciidamada.

Turkiga ayaa door weyn ka qaata tababarka iyo qalabaynta ee Ciidanka Xoogga Dalka ee loo diyaarinayo in ay si buuxda ula wareegaan amniga iyo difaaca dalka.

Saldhigga TURKSOM oo qaab casri ah loo dhisay ayaa ah saldhigga ugu weyn ee Saraakiisha Militariga Turkiga ay ku tababaraan ciidamada cusub.