Ciidamo cusub iyo gaadiid dagaal oo la geeyay Magaalada Baydhabo

Dowladda Federaalka ayaa sare u qaadday taageeradeeda militari ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka dib dagaalkii qaraaraa ee Isniintii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isla-markaana u badan Kumaandooska Gorgor iyo gaadiid dagaal ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee magaaladaasi.
Ciidamadan oo laga daabulay Caasimadda Muqdisho ayaa loogu talagalay inay xoojin u noqdaan Militariga Somaliya iyo Birmadka Koonfur Galbeed ee horey ugu sugnaa bannaanada magaaladaasi.
Saraakiisha Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in durbaba ciidamada laga keenay Muqdisho la geeyay difaacyada ay ciidamada isku dhafan ku leeyihiin nawaaxiga magaalada.
Tallaabada ciidamadan loogu qaaday Baydhabo ayaa muujineysa diyaargarow iyo xaalad dagaal oo aad u sarreysa, ka dib markii ay kordheen weerarada ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay ka gaysanayaan magaalada ugu weyn ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Weeraradan ayaa abuuray walaac dhanka amniga iyo dib-u-dhac siyaasadeed, marka aad eegto in ay curyaaminayaan shaqada maamulka iyo dhismaha dowladnimada.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageero buuxda la garab taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hoggaamiyo, si loo sugo amniga, loona difaaco Magaalada Baydhabo.
Loolanka awoodeed ee u dhexeeya maamulka cusub ee Koonfur Galbeed iyo hoggaankii hore ayaa horseeday deganaansho la'aan siyaasadeed iyo xasillooni daro amni, taasna waxay carqaladeynaysaa qorshaha siyaasadeed ee Villa Somalia ku maamuleyso dalka.
Isku dhacyada hubeysan ee ku soo badanaya Baydhabo ayaa dhaliyay hubanti la'aan iyo cabsi xoog leh oo soo food saartay dadka deegaanka, taas oo khasab ka dhigeysa in Dowladda Federaalka ay wax ka qabato.
Weerarkii ugu dambeeyay ee ciidamada taageersan Laftagareen ay ka gaysteen Baydhabo ayaa u muuqday ka hortag weerar, xilli uu socday qorshe ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed isugu diyaarinayeen hawlgal ciidamadaasi iyo maleeshiyada Al Shabaab looga sifeynayo deegaanada hoostaga magaaladaasi.


