Blinken oo la kulmay Raysal Wasaaraha Lubnaan iyo farriin uu gaarsiiyay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo ku sugan Magaalada London ayaa la kulmay Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati, kaas oo ay ka wada hadleen colaadda dalkiisa kala dhaxeysa Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Jimcahan sheegay in loo baahan yahay xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjaro xiisadda Lubnaan iyo Israel.
Wasiirka ayaa Raysal Wasaaraha Lubnaan gaarsiiyay farriinta Washington, ee ah in Beirut ay dacwad ku soo oogto Ururka Xisbullah ee dagaalka kula jira Ciidamada Israel.
Farriinta ayaa waxaa ku cad in Dowladda Lubnaan looga baahan yahay inay masuul ka noqoto ammaanka dalkaasi iyo hub ka dhigista Xoogaga Xisbullah.
Blinken oo ka soo laabtay booqashadiisii 11aad ee uu ku tegay Bariga Dhexe ayaa London kula kulmay Raysal Wasaare Mikati oo isna ka soo laabtay shir looga hadlayay arrimaha dalkaasi Lubnaan oo uu kaga qaybgalay Magaalada Paris.
Blinken ayaa sidoo kale London kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jordan, Ayman Safadi oo ay ka wada hadleen colaadda Bariga Dhexe iyo sidii lagu soo afjari lahaa.
Wasiir Safadi ayaa sheegay in gobolku uu ku jiro waqti cabsi leh, isla-markaana uu qarka u saaran yahay in dagaalku uu wada gaaro gobolka oo dhan.
Blinken oo ah diblomaasiga ugu sarreya Mareykanka ayaa Khamiistii Magaalada Doha ka sheegay in loo baahan yahay in dib loo bilaabo wada hadaladii xabad joojinta Gaza, sii deynta Israeliyiinta lagu haysto gudaha Marinka Gaza iyo in la taageero Falastiiniyiinta noloshooda uu dagaalku baabi'iyay.
Blinken ayaa ku dhawaaqay 135 milyan oo dollar oo gargaar dheeri ah oo Mareykanka uu siinayo shacabka Falastiin.
Madaxda Sirdoonka Mareykanka iyo Israel ayaa lagu wadaa in Axadda ay taggaan dalkaasi Qatar, si ay madaxda dalkaasi uga la hadlaan, sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel.