Booliska Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan dilka wiil yar
Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay haweeney si arxandarro ah u dishay wiil yar, oo ay eeddo u ahayd.
Taliska ayaa qoraal ku sheegay in sidoo kale Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Dharkiinley ay soo badbaadiyeen gabar la dhalatay wiilkaasi yar, oo dhaawacyo ay ka muuqanayaan.
Booliska ayaa sheegay in haweeneydaasi uu qabay aabaha dhalay carruurtaasi.
"Ciidanka Booliska Qaybta Galbeed, gaar ahaan Saldhigga Dharkiinley ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan in ay si arxandaro ah u dishay wiil ay eeddo u aheyd, halka gabadhii wiilka la dhalatay Boolisku ka badbaadiyay, gabadhana ay dhaawacyo badan ku yaalaan, waxayna u aheyd eeddo aabo qabo." Ayaa lagu sheegay qoraalka Taliska Booliska Gobolka Banaadir.
Qoraalka ayaa lagu yiri "Eedeysanaha ayaa Boolisku gacanta ku hayaa, waxaana la horgayn doonnaa maxkamadda awooda u leh, si caddaaladda loo mariyo."
Booliska ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay ku soo wargeliyaan, haddii ay la kulmaan falal liddi ku ah amniga magaalada.





