Booliska Qardho oo gacanta ku soo dhigay hooyo dishay carruur ay dhashay

Ciidanka Booliska ee Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar, Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay hooyo lagu eedeeyay in ay dishay laba wiil oo ay dhashay.
Ubax Cabdi Cismaan ayaa hadda lagu haya Saldhigga Booliska Qardho, halkaas oo lagu baarayo.
Carab Aadan Hayaan, Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Qardho ayaa sheegay in dhacdadaasi lagu soo wargeliyay fiidnimadii xalay.
"Abaarihii 7-dii fiidnimo ee xalay, iyadoo uu roob da'ayo baa kiiskaa helnay, laba wiil ay dhashay midna 6 bilood jiray, midna sanad iyo bar jiray, intee dishay bay ceel biyood ku tuurtay." Ayuu yiri Taliyaha oo intaa raaciyay in hooyadaasi ay ceeji ku dishay ubadkeeda.
Taliyaha ayaa yiri "Waxaa nala soo xiriiray dadkii deriska ahaa, waana ka hawlgalnay, labadii ilmood oo meyd ah oo markaa ceelka laga soo saaray ayaan soo qaadnay, iyadiina waan soo qabanay, iyadoo markaa ka maqan meesha, oo goob kale ayaan ka soo qabanay, ciyaalkiina isbitaalkaa keenay, illaa iyo xilligaana baaritaan baa socda, lamana aasin."
Taliyaha ma sheegin sababta ay hooyadaasi u dishay carruurteeda, balse ay wax kasta kala caddaan doonaan, marka baaritaanada socda la soo geba-gabeeyo.
"Iyada laftigeedu ma weyna oo 21 sano bay jirtaa, waxaana lagu magacaabaa Ubax Cabdi Cismaan." Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray in aabaha dhalay carruurta uu ka maqnaa goobta uu falku ka dhacay.
Daba-yaaqadii bishii November ee sanadkii 2021 ayay ahayd, markii haweeney ay saygeeda ku dishay Magaalada Qardho.


