Bukaanka dadka Gaza oo la bilaabay in laga daadgureeyo Isgoyska Rafah

Qaybtii ugu horreysay dadka reer Gaza ee xaaladda caafimaadeed loogu qaadayo dibadda ayaa maanta laga gudbiyay Isgoyska Rafah ee ku yaala xuduudda Marinka Gaza iyo Masar, ka dib markii Israel ay Axaddii ku dhawaaqday in ay dib u furtay isgoyskaasi.

Dadkan oo isugu jira Falastiiniyiintii ku dhaawacantay dagaalka Gaza iyo kuwo kale oo bukaan ah ayaa loo qaaday dalkaasi Masar, si dibadda loogu soo daweeyo.

Kumanaan Falastiiniyiinta Gaza ah ayaa sugaya in loo qaado caafimaad dibadda ah, inkastoo Israel ay xadiday tirada dadka la ogol yahay inay maalintii ka baxaan Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in illaa labaatan oo Falastiiniyiin ah ay sugayaan daryeel caafimaad oo ka baxsan Marinka Gaza ee dagaaladu aafeeyeen, ha yeeshee ay daadgureyntoodu saameynayso habraacyada ammaanka ee Israel.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in maalintii ay Gaza ka bixi karaan 50 bukaan, 50 kalena ay iman karaan.

Ciidamada Israel iyo Masar ayaa ka masuul ah hubinta dadka ka baxaya Gaza iyo kuwa kale ee soo gelaya, halka isgoyska la isaga gudbayo ay ilaalinayaan Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Midowga Yurub.

Isgoyska Rafah ee Masar looga gudbo ayaa ah marinka keliya ee xuduudda ee dadka reer Gaza ay dibadda uga bixi karaan, sababtu tahay Israel oo gacanta ku haysa xuduudaha kale ee Marinka Gaza, isla-markaana aan ogoleyn in ay Falastiiniyiinta Gaza adeegsadaan.

Isgoyska Rafah qudhiisa, Ciidamada Israel ayaa la wareegay bishii May ee sanadkii 2024, markaas oo Gaza ay ka soo xireen dhinaca Masar, isla-markaana ay geliyeen go'doomin dhameystiran.

Israel ayaa sanadkii 2007 soo rogtay go'doomin ay gelisay Marinka Gaza, ka dib markii Xamaas ay ku guuleysatay doorashadii sanadkaasi ka dhacday Gaza ee ay maamulkeedana kula wareegtay, inkastoo dadka reer Gaza ay xilligaasi u furneyd xuduudda dhinaca Masar.