Ciidamada Iran oo weerar aargoosi ah ku qaaday Saldhigga Cirka ee Ali Al Salem

Ciidamada Iran ayaa xalay weerar isugu jira gantaalo iyo drones ku qaaday Saldhigga Cirka ee Ali Al Salem ee Kuwait, iyagoo ka aargudanaya weerarada Mareykanka ee Koonfurta Iran.

Weerarkan ayaa ka dambeeyay duqaymo uu Mareykanka ka fuliyay bartilmaameedyo ku yaala gudaha dalkaasi.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay si toos ah u duqeeyeen Saldhigga Cirka ee Ali Al Salem, isla-markaana ay bartilmaameedsadeen kaabeyaasha muhiimka ah ee militariga, goobaha shidaalka iyo hantida difaaca cirka.

Taliska ayaa soo bandhigay sawirro ay sheegeen inay muujinayaan gantaalo iyo diyaarado drones oo lagu weeraray bartilmaameedyada Mareykanka ee Kuwait.

Saldhigga Cirka ee Ali Al Salem oo ku yaala dhulka lama degaanka ee Gobolka Jahra (Al Jahra) ayaa ku dhow xuduudda Kuwait iyo Ciraaq, waxaana maamula Ciidanka Cirka Kuwait, inkastoo ay dhinac ka degan yihiin Ciidanka Cirka Mareykanka.

Militariga Iran ayaa ku hanjabay inaysan ka daahi doonin in ay si dhakhsa ah u garaacaan goob kasta oo ka mid ah dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa Khaliijka, haddii uu Mareykanku ka soo qaado weerar ka dhan ah dhulka Iran.

Saraakiisha iyo Madaxda Iran ayaa marar badan Dowladaha Khaliijka ka dalbaday inaysan Mareykanka u ogolaan in dalalkooda uu weerar kaga soo qaado dhulka Iran, haddii kalena ay jawaab adag kala kulmi doonaan.

Iraaniyiinta ayaa cusbooneysiiya hanjabaadahooda ku aaddan Khaliijka, mar kasta oo Mareykanku uu duqaymo is daba joog ah ka gaysto dalkaasi.

Hoggaamiyeyaasha Khaliijka kuma faraxsana weerarada ay Iran ka gaysaneyso dalalkaasi, haddana intooda badan waxay ku guuldareystaan in ay Mareykanka ka joojiyaan in dhulkooda uu ka weeraro Iran.