Ciidamada Israel oo 50 qof ku dilay hawlgalka cusub ee Magaalada Gaza

Ciidamada Israel ayaa u muuqdo kuwo si buuxda isugu fidinaya Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee ku taala Marinka Gaza, iyagoona dilay dad fara-badan oo shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Militariga Israel uu ciidan xoog leh soo geliyay degmooyinka magaaladaaasi, ayna isku dayayaan in ay kala wareegaan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel oo tan iyo 27-kii bishii June gudaha ugu jiray qaybo ka mid ah Shejaiya oo ku taala bariga Magaalada Gaza ayaa Isniintii shalay bilaabay inay kubaareeyaan degmooyinka ku yaala koonfurta iyo galbeedka ee magaaladaasi, sida Tal Al-Hawa oo dhanka koonfureed ku taalo iyo Sabra oo iyana dhacda galbeedka magaaladaasi.

Ciidamada Israel oo Sabtidii iyo Axaddii la soo dhoobay xadka Israel la wadaagto Marinka Gaza ayaa waxaa taangiyadooda lagu arkayaa min bariga, koonfurta illaa galbeedka Magaalada Gaza, goobahaasi oo dhammaantood ay dagaalo culus ka socdaan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza ay xilligan ka socdaan Magaalada Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si ba'an u garaacaya xaafadaha magaaladaasi oo dhan, waxayna tani walaac dhanka amniga ah ay ku haysaa dadka ku xaniban guryahooda.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku warameysa in shacab fara-badan ay ku go'doonsan yihiin xaafadaha galbeed ee Magaaalda Gaza, oo ah goobtii ay Israel shacabka ku wargelisay inay taggaan.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in duqaymaha socda ay mid aan suurtagal ahayn ka dhigeyso in shacabku ay ka baxaan magaalada, inkastoo kumanaan qoys ay u suurtagashay inay ka cararaan colaadda lagu ballaariyay magaalada oo dhan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay saacadihii la soo dhaafay 50 qof oo dad rayid ah ay ku dileen hawlgalkoodan cusub.

Wasaaradda ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegtay in tirada dhimashada ee dadka rayidka ah ay gaartay 38,243 qof, 88,033 kalena ay dhaawacmeen.

Hay'adda Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee OHCHR ayaa maanta walaac ka muujisay in Israel ay rayidka ku leynayso aaggii ay u sheegtay in ay gabaadka u raadsadaan.

Hay'adda OHCHR ayaa war ay soo saartay ku sheegay in Israel ay Axaddii rayidka u sheegtay inay taggaan galbeedka Magaalada Gaza, haddana ay garaaceyso xaafadaha halkaasi ku yaala.

Israel ayaa xoojisay weeraradeeda Marinka Gaza oo dhan, iyadoo ay socdaan wada hadalada xabad joojinta Gaza.

Xamaas ayaa ka digtay in hawlgalka iyo barakacaan ugu dambeeyay ay fashilin karaan qorshaha iyo dadaalada xabad joojinta ee socda.

Israel ayaa muddadii uu dagaalkan socday Marinka Gaza ka abuurtay xaaladdii ugu darneyd ee bani'aadantinimo ee ebid la diiwaangeliyo, sida uu horaan sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres.

Saraakiisha Qaramada Midoobey iyo kuwa hay'adaha samafalka ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa ku celceliyay in xaalad bani'aadantinimo oo aan la qiyaasi karin ay ka jirto qaybaha Marinka Gaza.