Ciidamada Israel oo askar kale isaga dilay Marinka Gaza

Ciidamada Israel ayaa mar kale tiro askar ah isaga dilay waqooyiga Marinka Gaza, xilli ay halkaasi kula dagaalamayaan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel ayaa Sabtidii hawlgal ballaaran ka bilaabay xerada qaxootiga Jabalia, ka gadaal markii taliskoodu uu sheegay inay halkaasi dib ugu soo xoogeysteen Xoogaga Ururka Xamaas, waxaana Jabalia ka soconaya dagaalo culus.

Taliska Militariga Israel ayaa maanta sheegay in rasaas ay xalay furayn taangiyadooda ku sugan xerada Jabalia ay ku dhinteen shan askari, toddobo kalena ay ku dhaawacmeen.

"Laba taangi ayaa si khalad ah u duqeeyay dhismo ay ku sugnaayeen askarta dhimatay, oo ka tirsanaa Guutada 202aad ee Ciidanka Difaaca Israel." Ayuu talisku ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dhacdadan ay halkaasi ka dhacday, xilli ay iska horimaadyo ka socdeen.

Taliska ayaa dhacdadan ku sheegay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xumaa ee ay ciidamadooda la kulmeen, intii ay hawlgalka dhulka ah ka wadeen Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale askar isaga dilay Marinka Gaza, tan iyo markii 27-kii bishii October ay gudaha u galeen dhulkaasi.

Tani ayaa tirada Ciidamada Israel kaga dhimatay dagaalka ka dhigeysa 278 askari, sida uu sheegay taliskooda.

348 askari oo kale ayaa ka mid ahaa 1,200 oo qof oo Israeliyiin ah oo ku dhintay weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho. 

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay 35,272 qof, sida ku cad is bedelkii ugu dambeeyay ee ay daabacday Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in tirada dadka dhaawacmay ay ka badan tahay 79,200 oo qof.