Ciidamada Israel oo dagaal dhib badan kula jira Xisbullah

Maamulka Israel oo ku taagan in la sii wado dagaalka Lubnaan ayay ciidamadooda nooca dagaal oo dhib badan ay kula jiraan Xoogaga Ururka Xisbullah.

Go'aanka Israel ee lagu sii wadaayo dagaalka ayaa carqaladeynaya xabad joojintii ugu dambeysay ee uu Mareykanka ka soo shaqeeyay, laguna raadinayay in lagu joojiyo dagaalka labada dal.

Wasiirka Difaaca Israel ninka lagu magacaabo Israel Katz iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, General Eyal Zamir ayaa si cad u sheegay in Israel ay sii wadi doonto dagaalka Koonfurta Lubnaan, isla-markaana ay qabsan doonaan illaa Webiga Litani, oo ah 30km oo gudaha xuduudda Lubnaan ah.

Ciidanka Difaaca Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa isku dayaya in ay ka gudbaan barraha Xoogaga Xisbullah, balse waxaa dib u dhigaya iska caabinta xoogagaasi iyo dhulka joogga sare leh ee ay saaran yihiin.

Dhulka lagu dagaalamayo oo qayb ahaan ah dhul buuraley ah ayaa keenaya in dagaalku uu daba dheeraado, iyadoo kor u kaca weerarada ka socdo xuduudda labada dal uu ka tarumayo, sida ay xaaladda faraha uga sii baxeyso.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in aan dagaalka la jooin doonin, illaa la xaqiijiyo yoolasha dagaalka Israel.

Ciidanka Difaaca Israel ayaa hiigsanaya in ay gaaraan dhulka uu maro Webiga Litani, waana halka uu ku egyahay amaba uu ku dhamaan doono hawlgalkooda. Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in dhulkan ay ka samayn doonaan aag nabdoon oo laga ilaaliyo amniga Israel.

Saraakiisha Xisbullah ayaa dhinacooda sheegaya in aysan joojin doonin gantaalaha iyo diyaaradaha istiraatiijiga ah ay ku hubeysan yihiin ee ay u adeegsanayaan weeraradooda, illaa iyo inta uu dalku wajahayo gardarrada Israel.

Saraakiisha Militariga Israel ee ku sugan aagagga dagaalka ayaa maalmihii u dambeeyay ka cabanayay inay sarreyso khatarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah, iyagoo sheegaya in nidaamkooda difaaca hawada uu ku guuldareysanayo in laga hortago drones-ka ururka reer Lubnaan.

Ciidamada Israel ayaa si aan horey loo arag u burburinayo guryaha ku yaala deegaanada koonfureed ee Lubnaan ee saaran xadka ay labada dal wadaagaan.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in dagaalka uu ku istaagi karo oo keliya Xisbullah oo ogolaato in hub ka dhigis lagu sameeyo.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa bayaankiisii ugu dambeeyay ee Isniintii ku sheegay in iska caabinta Lubnaan aysan ka tanaasuli doonin difaaca dalka, isla-markaana aysan wax hub ka dhigis ah samayn doonin.

Dagaalka haatan u dhaxeeyo Xisbullah iyo Israel ayaa bilowday 2-dii bishii March, waana intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Israel ee Iran ee bilowday 28-kii bishii February.