Ciidamada Israel oo galay dhul hor leh oo ku yaala Marinka Gaza

Ciidamada Israel ayaa Isniintii qaaday guluf ay ku doonayaan inay ku qabsadaan Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza.

Ciidamada Israel oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ayaa Talaadadan ballaariyay hawlgalka ay isugu fidinayaan magaaladaasi.

Ciidanka Cirka Israel ayaa garaacaya xaafadaha Magaalada Gaza, iyadoo duqaymuhuna ay yihiin kuwo xiriir ah oo aan kala joogsi lahayn.

Taliska Militariga Israel ayaa Axaddii dadka rayidka ah ku amray in ay banneeyaan qaybo ka mid ah magaalada, si ay uga baxsadaan weerarada ay sheegeen in lagu bartilmaameedsanayo kooxaha wax iska caabinta.

Kumanaan shacab ah ayay mar kale khasab ku noqotay in ay ka barakacaan guryahooda, iyadoona Qaramada Midoobey ay walaac ka muujisay hawlgalkan iyo barakacinta dadka rayidka ah.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey (OHCHR) ayaa maanta sheegay in amarka iyo hawlgalka daba socdaba ay halis gelinayaan nolosha shacabka tabaaleysan.

Xafiiska ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay Axaddii sheegeen in rayidku taggaan galbeedka Magaalada Gaza, haddana ay wadaan duqaymo ay ku hayaan xaafadaha halkaasi ku yaala.

“Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa marar badan walaac ka muujiyay in amarada daadgureynta ee Ciidanka Difaaca Israel ay yihiin kuwo jahwareer leh. Inta badan waxaa dadka la yiraahdaa halkaas tagga, haddana loogama haro." Ayay Hay'adda OHCHR ku sheegtay war ay soo saartay.

Hay'adda OHCHR ayaa Israel ugu yeertay inay ku dhaqanto xeerarka caalamiga ah, isla-markaana ay ilaaliso nabadgelyada dadka rayidka ah.

"Waxaan ku celinaynaa baaqayagii ahaa Israel inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo ammaanka dadka rayidka ah ee ku nool Gaza." Ayaa lagu yiri warka.

Taliska Militariga Israel ayaa ku andacoonaya in ay baacsanayaan dagaal-yahanada Falastiiniyiinta.

Hay'adaha caalamiga ah ayaa sheegaya inaysan jirin goob ammaan ah oo ku taala Marinka Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in ku dhawaad laba milyan oo qof ay ku barakaceen duulaanka Israel ee Marinka Gaza, isla-markaana ay khatar dhab ah wajahayaan 2.3 milyan oo ku nool dhulka go'doonsan.

Inta badan dadka reer Gaza ayaa barakacay illaa shan jeer, kuwaa oo haddana laga hortaagan yahay kaalmada bani'aadantinimo ee lagu sheegay naf badbaadinta.

Dadkan oo badankood ku nool xeryo ka sameysan teendhooyin ayaa wajahaya xaalad hubinti la'aan ah.

Israel ayaa isku dayeysa in ay ballaariso hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee Marinka Gaza, xilli ay dib u bilowdeen wada hadalada xabad joojinta Gaza.

Ururka Xamaas ayaa ka digay in hawlgalka iyo barakacaan ugu dambeeyay ay fashilin karaan qorshaha iyo dadaalada xabad joojinta ee socda.

Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa isku dayaya in la gaaro heshiiska xabad joojinta ee muddada dheer la raadinayay.

Weerarada Israel ee Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay 38,243 qof, halka 88,033 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay maanta xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.