Ciidamada Israel oo lix qof ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto

Ciidamada Israel ayaa Sabtidii lix qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.
Ciidamada Israel ayaa afar qof ku dilay Magaalada Jenin, intii lagu jiray hawlgalka ay halkaasi ka wadeen.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dhakhtar 25 jir ahaa lagu dilay bannaanka gurigiisa oo ku yaala Qabatiya, oo u dhow Jenin, subaxnimadii Sabtida. Wasaaraddu waxay sheegtay in mid kalena lagu dilay Al Bireh, oo u dhow Magaalada Ramallah.
Israel ayaa kordhisay weeraradeeda Daanta Galbeed, tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.
Ugu yaraan 229 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 52 carruur ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed, ka dib markii Israel ay bilowday weerarada ay sheegtay in ay kaga aargudaneyso weerarkii Xamaas.