Ciidamada Israel oo xiray Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Gaza
Ka dib hawlgal maalmo qaatay oo Ciidamada Israel ay ka sameeyeen Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa ku soo idlaaday inuu istaago adeeggii caafimaad ee isbitaalku uu bixinayay.
Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay xirxireen, isla-markaana ay dileen qaar ka mid ah bukaankii lagu daweynayay isbitaalkaasi, xubno ka mid ah eheladooda iyo shaqaalaha caafimaadka.
Ciidamada ayaa amar ku bixiyay in isbitaalka laga daadgureeyo bukaankii kale ee lagu daweynayay, xilli ay si weyn ugu baahnaayeen daryeel caafimaad.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay sidoo kale isbitaalka ka saareen barakacayaal Falastiiniyiin ah oo halkaasi badbaado u soo doontay.
Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay in la qaaday tallaabooyin lagu yareynayo khasaaraha dadka rayidka ah, isla-markaana ay fududeeyeen in laga saaro isbitaalkaasi, si looga fogeeyo bay yiraahdeen khatarta dabka.
Dr. Khalil Daqran ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay si toos ah u beegsadeen qaar ka mid ah bukaanada, eheladooda iyo shaqaalaha caafimaadka.
Dr. Khalil Daqran ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay dhaawaceen dhakhaatiir, isla-markaana ay dileen dad bukaan ahaa.
Sidoo kale Ciidamada Israel ayuu ku eedeeyay inay burburiyeen agabkii isbitaalka, isla-markaana ay burbur weyn u gaysteen dhismaha isbitaalkaasi.
"Ciidamadu waxay gebi ahaanba isbitaalka ka saareen adeeggii uu ku jiray, waxayna gubeen qaybo badan oo isbitaalka ah, iyagoo burburiyay albaabada isbitaalka iyo darbiyada ku xeeran." Ayuu yiri Dr. Khalil Daqran.
Dr. Daqran ayaa intaasi ku daray "Hadda wax dawo ah iyo cunto midna lagama helayo isbitaalka, waxa ka jirana waqooyiga Gaza waa masiibo. Ma jiraan biyo, cunto ama caanaha carruurta, kaabeyaashii dhaqaalaha waa la baabi'iyay, bulaacadaha iyo qashinka ayaa ku soo uruuray dadka deegaanka, taasoo keentay fiditaanka cudurada faafa."
Militariga Israel ayaa sheegay inay ciidamadoodu soo geba-gabeeyeen hawlgal gaar ah, oo ka dhan ah sida ay sheegeen xarun ay ku xoogan tahay Xamaas.
Isbitaalkan ayaa muddooyinkan lagu daweynayay boqolaal qof, oo ku dhaawacmay hawlgalka ay Ciidamada Israel ka wadaan qaybaha waqooyi ee Marinka Gaza.
Ciidamada Israel oo dhowr toddobaad gudaha ugu jira waqooyiga Gaza ayaa ka wada hawlgal u muuqdo mid ay ku barakacinayaan dadka deegaanka.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay diidan yihiin in gargaarka naf badbaadinta la geeyo halkaasi.