Ciidamada Lubnaan oo buuxinaya fariisimihii Xisbullah ee xuduudda
Ciidamada Dowladda Lubnaan ayaa u ruqaansaday deegaanada koonfurta ee dalkaasi, si ay ula wareegaan fariisimihii Xisbullah ku lahayd dhulka xuduudda.
Ciidamada Lubnaan oo wata taangiyada militariga iyo gawaarida kale ee gaashaaman ayaa ku sii jeeda deegaanada koonfurta ee xuduudda Lubnaan la wadaagto Israel.
Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa sheegay in shan kun oo askari oo Lubnaaniyiin hadda loo diyaariyay inay saldhigyo ka sameystaan goobaha ay banneynayaan Xoogaga Ururka Xisbullah, inkastoo heshiisku uu ogolanayo in illaa 10,000 oo askari oo ka tirsan Ciidamada Qaranka la geeyo koonfurta dalka.
Saraakiisha Lubnaan ayaa sheegaya in ciidamada halkaasi la gaynayo ay qaybtood dhaqaaqeen, kuwa kalena la diyaarinayo, mar dhowna ay halkaasi tagi doonaan.
Waxay noqoneysaa ciidamadii ugu badnaa oo Xukuumadda Beirut ay gayso xuduudda, halkaas oo Xisbullah ay muddo dheer ka arrimineysay, isla-markaana ay tobanaan sano ka hawlgalayeen ururada iska caabinta ee dalkaasi, inkastoo dowladdu ay horey ciidamo yar uga joogeen deegaanada koonfurta.
Heshiiska xabad joojinta ee Xisbullah iyo Israel ayaa dhigaya in Xoogaga Xisbullah ay isaga fogaadaan deegaanada xuduudda, si aanay halis ugu iman ammaanka Israeliyiinta ku dhaqan waqooyiga Israel, gaar ahaan deegaanada saaran xuduudda.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa saacadihii dambe ee Talaadadii sheegay inaanan la ogolaan doonin in Xisbullah ay dib u soo dhisto kaabeyaasheedii militari ee dhulka xuduudda.
Si looga fogaado isku dhacyada labada dhinac, Xisbullah ayay tahay inaanay ka soo gudbin aagagga ay kaga sugan tahay waqooyiga Webiga Litani ee mara koonfurta Lubnaan.
Qorshaha ayaa ah in Xisbullah ay muddo lixdan maalmood ku soo afjarto joogitaankeedii xuduudda, halka Israel ay iyana muddadaasi ay ciidamadeeda si tartiib tartiib ah uga la bixi doonto meelaha ay kaga sugan yihiin xadka koonfureed ee Lubnaan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Hawlgalka UNIFIL ay diyaar u yihiin inay xaqiijiyaan heshiiska xabad joojinta.
Xoogaga UNIFIL ayaa xeryo ciidan ku leh xuduudda dalka Lubnaan, gaar ahaan aagga khadka buluugga ee kala qaybiya labada dal.
Ciidamadan oo ku shaqeeya amarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka kooban 10,000 oo askari iyo 800 oo shaqaale rayid ah oo ka kala socda 50 dal.
Heshiiska xabad joojinta ayaa xoojinaya qaraarkii nabadeynta ee Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 1701 (2006) iyo shuruudaha kale ee lagama maarmaanka u ah nabadgelyada waarta ee shacabka labada dal.