Ciidamada Wasiir hore iyo kuwa Dowladda Federaalka oo ku dagaalamay Sh/dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay dagaal la galay ciidamo taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga Somaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, kuna wajahnaa meelo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada lala xiriiriyay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo wata illaa sideed gaadiidka dagaalka ah ay ka dhaqaaqeen Degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir, ka dib markii ay ka war heleen in ciidamo ka tirsan Booliska Gaarka ee Haramcad ay ku soo wajahan yihiin, si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan.
Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala koonfurta Gobolka Shabellaha Dhexe oo lagu wargeliyay in ciidamadaasi ay xagooda soo aadeen ayaa ka xiray dhinaca deegaanada Ceel-Bashaqle (Bashaqle) iyo Qorilow oo hoostaga Degmada Warsheekh, iyagoona ku dhacay jidgooyo loogu sameeyay aagga Bashaqle.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada ciidan ay halkaasi ku dagaalameen, isla-markaana aysan jirin cid sharaxaad sax ah ka bixin karta, waxa uu ku dambeeyay masiirka ciidamadii hubka la baxsanayay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay u suurtagashay inay gaaraan Degmada Cadale, iyadoo warar kale ay sheegayaan in ay gaareen Degmada Raage Ceelle, halka warar kalena ay sheegayaan in laga la wareegay saddex gaari, intii kalena aan la aqoon meesha ay u baxsadeen.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin isku daygan ugu dambeeyay ee hub ka dhigista loogu sameynayay xoogaga ka amarka qaata Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sidoo kale ah Milkiilaha Hotel Elite ee Xeebta Liido.
Ciidamada amniga ayaa Sabtidii gudaha u galay hotelkaasi, iyagoo markaasi ku guda jira hawlgal hub uruurin ah.
Taliska Booliska Muqdisho ayaa shalay subax sheegay in ciidamadii Shariif Sheekh Axmed ee ka dagaalamay Degmada Cabdicasiis ay hubkooda ku qariyeen goobo kala duwan oo degmadaasi ah, isla-markaana uu socdo hawlgal lagu soo uruurinayo.


