Ciidamadii Militariga ee qabtay Baydhabo oo qaybtood la geeyay Jowhar

Dowladda Federaalka ayaa boqolaal askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka u daabushay dhinaca Magaalada Jowhar, iyadoona ay soo baxayaan warar sheegaya in ay is qabteen Madaxweynaha Dowladad Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Ciidamadan oo ay ku jiraan qaar ka mid ah Ciidamadii Militariga ee 30-kii bishii March qabtay Magaalada Baydhabo, meeshana looga saaray Madaxweynihii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Sabtidii diyaarado lagu geeyay Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee duleedka Jowhar.

Inta badan ciidamadan oo xalay gaadiidka waaweyn ee Ciidanka Xoogga Dalka looga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa waxay haatan wadaan hawlgal ay isugu furaan waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, gaar ahaan Balcad iyo Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan uu qorshuhu yahay in ay si buuxda ula wareegaan ammaanka Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamada laga dejiyay Garoonka Maxamed Dheere ay ku jiraan cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, iyagoona difaac ka sameystay inta u dhaxeyso magaalada iyo garoonkaasi. Ciidamo isugu jira Kumaandooska Danab, Militariga Burundi ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa Hirshabelle ayaa horey ugu sugnaa garoonkaasi.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Villa Somalia ay ka carootay tallaabo ay Hirshabelle albaabada isugu laabtay Xafiiskii Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Jowhar. Ururka JSP ayaa waxaa hoggaamiya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ururkan ayaa si weyn ugu ololeynaya doorashooyinka tooska ah ee isku sidkan ee bisha May laga qabanayo deegaanada Hirshabelle, iyadoo Madaxweyne Cali Guudlaawe la sheegayo inuu dareemay in Dowladda Federaalka ay ku dul waddo xubno kale oo ciriiri gelinaya dib u doorashadiisa.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sanadihii u dambeeyay xiriir dhow la lahaa Madaxda Dowladda Federaalka, waxayna Hirshabelle ka mid ahayd Dowlad Goboleedyada wada shaqaynta wanaagsan la leh Villa Somalia, mana cadda waxa uu masiirka Guudlaawe ku dambayn doono.

Saraakiil ka tirsan labada xafiis ee dalka ugu sarreya ayaa laga soo xigtay in Dowladda Federaalka aanu qorshaha ugu jirin in la taageero, sidii Cali Guudlaawe uu xafiiska ugu soo laaban lahaa.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa maanta shir guddoomiyay kulan degdeg ah oo Golaha Wasiirada ay ku yeesheen Jowhar, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Hirshabelle, Maxamed Shuuriye Nuur.

"Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa Golaha Wasiirada faray in loo diyaargaroobo abaabul xoogan iyo doorasho qof iyo cod ah." Ayuu yiri Agaasimaha.

Wasiirka Amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidamada uu la xiriiro sugidda amniga ee deegaanada Hirshabelle iyo inay ka qayb qaadan doonaan hawlgalada socda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay jireen dadaalo mar kale la isugu soo dhaweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kan Hirshabelle.

Guudlaawe ayaan dooneyn in uu maro waddadii Laftagareen oo kale, taas oo ku khasbeysa in uu sii wado xiriirkiisa Villa Somalia, haddii la doonaba yaanu noqon musharaxa xageeda ka socdo.

Ciidamada la geeyay Jowhar iyo kuwa kale ee ku wajahan ayaa hadal hayn xoog leh ka dhex dhaliyay bulshada dhexdeeda.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa qorsheynaya 13-ka bisha May in Hirshabelle laga qabto doorasho isku sidkan, oo lagu tartamayo Kuraasta Golaha Deegaanka ee Degmooyinka iyo kuwa Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Hirshabelle, iyadoo shacabkuna ay yihiin kuwa wax dooranaya.