Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalo ka wada Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan bariga gobolkaasi, isla-markaana ay isku ballaarinayaan dhulka ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay maanta hawlgalo ka sameeyeen inta u dhaxeyso Degmooyinka Galcad, Ceeldheere iyo deegaanka Cowsweyne.

Ciidamada ayaa la sheegay inay burburiyeen fariisimo ay maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen tuulooyinka Geerile, Indha-kuus iyo Xuseen Cagey, oo ka mid ah deegaanada ay xilliyada qaarkood Shabaabku ka soo duulaan taggaan.

Ciidamada ayaa waddooyinka qarda-jeexa ee dhulka miyiga ka saaray miinooyin, sida la sheegay ay maleeshiyadaasi ku aaseen.

Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa ku daadsan min Galcad illaa Towfiiq, Ceeldheer illaa aagga Cowsweyne, iyadoona ciidamadu ay kaabiga ku hayaan deegaanka Cowsweyne, waana hawgal ay horkacayaan Ciidanka Kumaandooska Gorgor.

Gaashaanle Cumar Xasan Diini (Cumar Deeq), Abaanduulaha Guutada 17aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay hadda kulaalayaan Cowsweyne.

Abaanduulaha ayaa tilmaamay in uu sii socon doono hawlgalka, illaa iyo inta kooxaha argagixisada laga saarayo gobolka oo dhan, sida uu yiri.

Hawlgalkan ayaa imaanaya, toddobaad uun ka dib markii Shabaabku uu weerar dhiig badani ku daatay ay ka gaysteen deegaanka Masagawaa ee gobolkaasi.