Codbixinta Doorashada Turkiga oo ka bilaabatay dibadda

Wareegga labaad ee Doorashada Madaxtinimada Turkiga ayaa maanta ka bilaabatay wadamada shisheeye, ee ay ku nool yihiin muwaadiniinta u dhashay dalka Turkiga.

Codeynta ayaa u furan dhammaanba muwaadiniinta ku dhaqan qurbaha, iyadoona ay tahay in ay ka codeeyaan Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha uu Turkiga ku leeyahay dibadda.

Dalka Jarmalka oo kale waxaa la qiyaasayaa in ay ka imaan doonaan codadka ugu badan, halkaas oo ay ku nool yihiin jaaliyadda ugu badan ee dadka Turkiga. 1.5 milyan oo qof ayaa la filayaa in ay codkooda ka dhiibtaan dalkaasi.

Muwaadiniintan ayaa u kala codeynaya Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Kemal Kilicdaroglu, oo iyagu ku tartami doona doorashada 28-ka bishan ka dhaceysa dalka gudihiisa.

Guddiga Doorashooyinka Turkiga ayaa sheegay in dadka ka codeynaya dibadda ay codkoodu dhiiban karaan, inta u dhaxeyso 20-24 bishan.

Illaa 3.4 milyan oo Turki ah oo dibadda ku sugan ayaa xaq u leh inay codeeyaan, iyagoona qayb ka ah 64 milyan ee qof ee loo diiwaangeliyay inay ka qaybgalaan doorashada guud ee dalkaasi.

Madaxweyne Erdogan oo aan wareeggii hore ee doorashada helin codadkii loo baahnaa ayaa waxaa la odorasayaa in wareeggan ay u badan tahay in uu doorashada kaga adkaado musharaxa ugu weyn mucaaradka.