Dabkii maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha oo gaystay burbur hantiyadeed

Waxaa abaarihii 3-dii galabnimo ee maanta lagu guuleystay in la xakameeyo dabkii saakay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag, Bashiir Cabdi Maxamed oo Wariyeyaasha kula hadlay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qaybta Cabdalla Shideeye ayaa sheegay in dabku uu ka dhashay koronto.

Cabdisalaan Daahir Magan, Agaasimaha Waaxda Gurmadka Degdegga & Dabdemiska ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dabku uu saameeyay saddex dhisme oo wadar ahaan ka kooban 26 qol.

Agaasime Magan ayaa tilmaamay in dabku uu gebi ahaanba burburiyay 19 qol oo ka mid ah dhismayaashaasi, oo isugu jira sida uu sheegay ganacsiyo kala duwan, sida bagaashka iyo qalabka elektaroonigga.

Ganacsatada qaar ayaa waxaa u suurtagashay in hantidooda iyo alaabahooda qaar ay kala baxaan, ka hor inta aanu dabku xarumahooda ganacsiga wada gaarin amaba liqin.

Magan ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay gacan u fidiyaan kuwoodii ku hantida beelay dabka.

"Ganacsatada waxaan leeyahay saaxiibadiinna ay ganacsiyada ka gubteen garab siiya. Haddaad isku gargaartaan, Ilaahay wuu idiin gargaarayaa." Ayuu yiri Magan.

Dabka ku soo noqnoqday suuqyada waaweyn ee dhulka Soomaalida ayaa caqabad weyn ku ah dhaqaalaha, maadaama ganacsigu uu yahay laf dhabarta kobaca dhaqaalaha ee magaalooyinka

Masiibooyinka dabka ayaa sababa burbur hantiyeed oo baaxad leh oo si toos ah u curyaamiya nolosha bulshada.

Suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka ayaa ah isha ugu muhiimsan ee shaqo abuurka iyo aasaaska dhaqaalaha.