Dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in lagu dhameeyo xiisadda Xisbullah iyo Israel
Dowladaha Bariga Dhexe iyo kuwa kale ee caalamka ayaa wada dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in looga baaqsado dagaal ballaaran oo gobolkaasi ka qarxa.
Madaxda gobolka iyo kuwa caalamka ayaa khadka teleefanka kula hadlaya Madaxda Israel, iyagoona ku boorinaya inaanan xaaladda gobolka looga sii darin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Isniintii Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog kala hadlay muhiimadda ay leedahay inaanay colaaddu ku fidin gobolka.
Blinken ayaa Madaxweynaha Israel ugu yeeray in laga wada qayb qaato dadaalada caalamiga ah ee ku aaddan in xal diblomaasiyadeed lagu dhameeyo xiisadda kala dhaxeysa Xisbullah, si muwaadiniinta labada dhinac ee barakaca uga maqan deegaanada xuduudda ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
"Blinken iyo Madaxweyne Herzog ayaa sidoo kale ka wada hadlay dadaalada socda ee lagu doonayo in xabad joojin laga gaaro colaadda Gaza iyo sidii loo sii deyn lahaa la haysteyaasha." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ka dib wada hadal khadka teleefanka ah, oo ay yeesheen Wasiirka iyo Madaxweynaha Israel.
Xiisadda Israel iyo Xisbullah ayaa dhammaadkii isbuuca u muuqatay inay gaartay meeshii ugu sarreysay, ka gadaal markii gantaal ay Israel sheegtay in laga soo tuuray koonfurta Lubnaan uu Sabtidii 12 qof ku dilay Magaalada Majdal Shams ee Buuraleyda Golan ee Israel ka haysato Suuriya.
Ururka Xisbullah ayaa si adag isaga fogeeyay eedeymahaasi, iyadoona uu ururku sheegay in gantaalku uu ahaa mid ay tuureen Ciidamada Israel.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo shalay hadlay ayaa mar kale Xisbullah ku eedeeyay inay ka masuul tahay gantaalka lagu weeraray garoon kubadda cagta lagu ciyaaro, isla-markaana ay ku dhinteen sida uu sheegay carruur aan waxba galabsan. Waa dhimashadii ugu badneyd ee ka dhacda dhulka ay Israel maamusho, tan iyo 7-dii October.
Netanyahu ayaa ku hanjabay inay si adag uga aargoosan doonaan Xisbullah, iyada oo Xisbullah ay dhankeeda sheegtay in Israel ay qaadi doonto wixii cawaaqib ah ee ka dhasha colaaddan ay ballaarineyso.
Dadaalada diblomaasiyadeed ee socda ayuu caalamka ku doonaya in lagu xakameeyo xiisadda aad u sarreyso ee salka ku haysa duulaanka Israel ee Marinka Gaza.
Xisbullah iyo Israel ayaa si maalinle ah duqaymo iskugu weydaarsanayay deegaanada xuduudda, tan iyo October 8-deedii.