Dadka reer Beledweyne oo loogu baaqay bannaanbax nabadeed

Siyaasyiinta, odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ee maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Beledweyne, isla-markaana ka soo horjeeda in wax doorasho ah oo la xiriira Hirshabelle laga qabto gobolkaasi ayaa dadka reer Beledweyne ugu baaqay inay Khamiista isugu soo baxaan bannaanbax nabadeed.
Bannaanbaxan ayaa lagu diidan yahay in doorasho lagu kala qaybsan yahay in laga qabto Gobolka Hiiraan, iyadoo horey loo muddeeyay in 30-ka bishan uu Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu doorasho qof iyo cod ah ka qaban doono Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ama labada gobol ee Hirshabelle. Doorashadan ayaa la sheegay in si isku sidkan loogu tartami doono Kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka iyo kuwa Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Hirshabelle.
Hoggaanka siyaasadeed iyo dhaqanka ee ku sugan Beledweyne ayaa war ay soo saareen dadka deegaanka loogu baaqay inay maalinta berrito ah isugu soo baxaan Afarta Waaxood ee Beledweyne, si ay u caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan doorashada soo socota.
Dadweynaha ayaa waxaa lagu wargeliyay in bannaanbaxa uu socon doono 8:00 subaxnimo illaa 12:00 duhurnimo.
Masuuliyiinta ayaa qorsheynaya inay dibadbaxayaasha kula hadlaan nawaaxiga Isbitaalka Weyn ee Beledweyne, halkaas oo loo asteeyay goobta la isugu imaanayo.
Ciidamo gaar ah ayaa la sheegay inay sugi doonaan amniga bannaanbaxa, oo macnaheedu yahay in la diyaariyay unugyo ciidan oo ka duwan kuwa caadiga ah.


