Dadka reer Gaza oo la ildaran daadadka roobabka mahiigaanka iyo qabowga jiilaalka

Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza ayaa wajahaya xaalad kaloo adag, taasoo ka dhalatay daadadka roobabka mahiigaanka ah iyo qabowga xilliga jiilaalka oo is biirsaday.

Falastiiniyiinta reer Gaza ee ku barakacay gudaha Marinka Gaza, isla-markaana degan guryaha teendhooyinka ka sameysan ayaa la halgamaya daadadka ku soo rogmanaya goobaha ay degan yihiin, ka dib duqaymo socday laba sano oo xiriir ah oo Israel ay ku burburisay daarihii ay kaga gaashaman jireen qabowga daran iyo roobabka xoogan ee xilliga jiilaalka.

Hannaanka cadaadiska hoose ee cirifka, oo ay wehliyaan roobab mahiigaan ah iyo dabeylo xoogan ayaa Sabtidii ku dhuftay Marinka Gaza, waana cirifkii ugu hooseeyay ee saddexaad ee jiilaalkan saameeya dhulka Falastiiniyiinta.

Nidaamka afaraad ee cadaadiska hooseeya ayaa la saadaalinaya in Isniinta uu ku dhufan doono dhulka burbursan, sida ay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ka soo xigatay Hay'adda Saadaasha Hawada ee Laith Al-Alami.

Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa ka digay in roobabka la filayo ay sii kordhiyaan duufaanta iyo in hawada qoyan ay waxyeelo ba'an u gaysan karto dadka aan gabaadka wanaagsan heli karin.

Falastiiniyiinta ku nool teendhooyinka iyo guryaha cooshadaha ka sameysan ee ku yaala dhulka xeebta iyo xeryaha barakacayaasha ee koonfurta Marinka Gaza ayaa ah kuwa ay xaaladda ugu adag haysato, maadaama halkaasi uu qabowga ugu daran ka dhaco xilligan oo kale.

Mohammed Maslah oo ah Faastiini ku nool Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa sheegaya in dhibaatada ay si isku mid ah uga jirta Marinka Gaza oo dhan.

Mohammed Maslah ayaa Al Jazeera u sheegay, isagoo ku dhibaateysan teendhada uu degan yahay in uusan haysan doorasho kale oo aan ahayn inuu halkaasi sii joogo.

Shaima Wadi oo ah hooyo haysata afar carruur ah, kuna sugan deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza ayaa qoyskeeda laga soo barakiciyay deegaanka Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza, waxayna Wakaaladda Wararka AP u sheegtay "Laba sano ayaan teendhada ku nool nahay. Mar kasta oo roob da'o oo teendhada ay madaxeenna ku soo dunta, waxaan isku daynaa inaan qoryo cusub ku taagno."

Inta badan dadka reer Gaza oo si khasab ah guryahooda looga soo barakiciyay ayaa tan iyo daba-yaaqadii sanadkii 2023 deganaa teendhooyinka lagu cadaadiyay in ay badbaadada u doontaan.

Xaaladda adag ee bani'aadantinimo ee ka jirta dhulka go'doonsan ayaa keeneysa in dadka rayidka ah ay wajahaan qabow daran, roobab iyo dabeylo xoogan, iyagoo aan heli karin gurmadka ay u baahan yihiin, sababtoo ah Israel oo weli is hortaag ku haysa.

Inkasta oo Israel ay 10-kii bishii October ogolaatay in ay xabad joojin ka dhaqangasho Marinka Gaza, ka dib heshiiskii uu ka soo shaqeeyay Madaxweyne Donald Trump ee ay 9-kii bishaasi la saxiixatay Xamaas, haddana Israel ayaa xanibeysa in agabyada lagama maarmaanka ah iyo in sahayda ay shacabku u baahan yihiin si mug leh loo geeyo gudaha Gaza.

Carruurta yaryar, dhallaanka ku dhalanaya xeryaha barakacayaasha, dadka da'da ah iyo kuwa kale ee bukaan socodka ah ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa u nugul xaaladdan ka jirta Marinka Gaza.

Shan iyo toban qof oo saddex ka mid ah ay carruur yihiin ayaa bishan Hypothermia, oo ah qabow daran ugu geeriyooday Marinka Gaza.

Maamulka Gaza ayaa Israel ku eedeeyay in ay uga sii dareyso xaaladda aadka u liidato ee shacabka tabaaleysan.

Israel ayaa dhegaha ka fureysaneysa baaqyada is daba jooga ah ee uga imanaya hay'adaha gargaarka, isla-markaana looga dalbanayo inay qaaddo xayiraadaha ay ku hayso agabka lagu seexdo, dharka dhaxanta, qalabka dib u dhiska Gaza iyo mashiinada burburka lagu nadiifiyo.

Kolonyada u raran Qaramada Midoobey oo ku xaniban bannaanada Marinka Gaza ayaan gudaha u geli karin Gaza, iyaga oo aan fasax ka haysan Israel.

Duqaymaha cirka iyo toogashada ay mararka qaarkood gaysanayaan Ciidamada Israel ayaa heshiiska xabad joojinta ee Gaza ka dhigay mid jilicsan.