Dadka Turkiga oo 79 sano ka dib Salaadda Ciidda ku tukaday Masjidka Kariye

Waxaa markii ugu horreysay 79 sano ka dib bulshada reer Istanbul u suurtagashay in Salaadda Ciidda Carafo ay ku tukadaan Masjidka Kariye.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa 6-dii bishii hore ee May dib u furay Masjidka Kariye ee Magaalada Istanbul, ka dib markii laga soo bedelay madxaf.

Madaxweynaha ayaa muddo haatan laga joogo afar sano digreeto Madaxweyne ku soo saaray in dib loo furo masaajidkaasi, si ay ugu cibaadeystaan ummadda Muslimiinta. Digreetada Madaxweyne Erdogan ayaa ku taariikheysneyd 21-kii bishii August ee sanadkii 2020. Amarkiisu waxa uu yimid bil uun ka dib, ka gadaal markii Maxkamadda Sare Turkiga ay soo saartay go'aan muran badan dhaliyay, oo ay ku sheegeysay in Madxafka Hagia Sophia lagu celiyo masaajid. Maxkamadda ayaana nasakhday go'aankii Golaha Wasiirada ay soo saareen sanadkii 1934-kii ee Hagia Sophia lagaga dhigay madxaf. Hay'adda UNESCO ayaana Dhismaha Hagia Sophia u aqoonsatay Dhaxal-adduun.

Masjidka Kariye ayaa ka hor inta aan madxafka laga dhigin loogu adeegi jiray kaniisad dhexe oo Giriig ah, oo ah Kaniisadda Chora, iyadoo laga soo bedelay masaajid, lagana dhigay kaniisad.

Boqortooyadii Kirishtanka ahayd ee Byzantine ayaa u bedeshay kaniisad, inkastoo Dowladdii Cismaaniyiinta ay sanadkii 1511-kii ku soo celisay masaajid.

Boqolaal sano ka dib, Dowladdii Calmaaniyadda Turkiga ayaa qaraar ku soo saartay sanadkii 1945-kii in laga dhigo madxaf. Saddex sano oo dhismihiisu uu socday waxaa madxafka xarigga laga jaray sanadkii 1948-kii, markaas oo loo nashqadeeyay madxaf ahaan.

Hadda, dhowr sano oo ay socotay dadaalada wax lagaga bedelayo qaab dhismeedka madxafkaasi ayaa 6-dii bishii May ee sanadkan ay suurtagashay in lagu soo celiyo goob lagu cibaadeysto, waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqay dib u furista Masjidka Kariye, iyadoo muuqaalkii hore ee dhismaha uu is bedel weyn ka muuqanayo.

Axaddii oo ay ku beegneyd maalinta 1aad ee Ciidul Adxa, waxay dadka reer Istanbul uga dhigneyd maalin taariikhi ah, ka dib markii ugu horreysay muddo 79 sano ah ay si weyn ugu oogeyn Salaadda Ciidda Carafo.

Masjidkan oo ku yaala xaafadda Edirnekap─▒ ee Degmada Fatih ayaa waxaa buuxiyay kumanaan qof oo isaga kala yimid qaybaha Magaalada Istanbul.

Dadka oo buuxdhaafiyay masaajidka ayaa keentay in qaarkood ay Salaadda Ciidda ku tukadaan safaf ay ka galeen bannaanka hore ee masaajidkaasi.

Dadka reer Istanbul ee masaajidka soo camiray ayaa ahaa kuwo aad u xamaasadeysan, waxaana ka muuqatay xiisaha ay u qabaan dib u furistiisa.