Dadweyne dhigay dibadbaxyo lagu cambaareynayo dilka Ismail Haniyeh

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Magaalooyinka Daanta Galbeed ee la haysto, Lubnaan iyo Iran, si ay uga mudaaharaadaan dilkii loo gaystay Hoggaamiyihii Xamaas, Ismail Haniyeh.

Dibadbaxyaasha ayaa watay sawirka Ismail Haniyeh iyo Calanka Xamaas, iyagoona ku qaylinayay ereyo lagu cambaareynayo dilkiisa.

Hoggaamiyaha Xamaas ayaa saakay lagu dilay Magaalada Tehran, iyadoona Xamaas ay dilkiisa ku tilmaamtay shirqool ay Israel ugu gaysatay hoygii uu ka deganaa magaaladaasi.

Israel ayaan illaa iyo hadda xaqiijin amaba beenin in ay ka masuul ahayd dilkiisa, balse Taliska Militarigeeda ayaa sheegay inay xaaladda qiimeynayaan.

Ismail Haniyeh ayaa Talaadadii ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacadan sheegay in Iran uu waajib ku yahay in ay u aarguddo dilka loo gaystay Hoggaamiyihii Xamaas ee martideeda ahaa.