Dagaal culus oo ka socdo aagga isbitaalka ugu weyn ee Marinka Gaza

Wararka ka imaanaya Marinka Gaza ayaa sheegaya in maalintii 3aad uu dagaal culus ka soconayo agagaarka Isbitaalka Al-Shifa, oo ah kan ugu weyn ee Marinka Gaza.

Isbitaalkan oo ku yaala waqooyiga Gaza ayaa waxaa Isniintii weeraray Ciidamada Israel, iyagoona gudaha ugu jira isbitaalkaasi. Taliska Militariga Israel ayaa xilligaasi sheegay in isbitaalka ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaal-yahanada Xamaas, isla-markaana ay weeraro ka soo abaabulaan, warkaas oo Xamaas ay beenisay.

Xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa hareereeyay Ciidamada Israel, oo la soo sheegayo in ay ku sugan yihiin isbitaalkaasi iyo waddooyinka soo gala, halkaana uu ku dhex marayo dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

Diyaaradaha dagaalka Israel iyo taangiyada ay wataan ciidamadii weeraray isbitaalka ayaa duqayn culus ku haya xaafadaha ku teedsan isbitaalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ee la go'doomiyay ay isku dayayaan in ay xoog ku furtaan waddo ay halkaasi uga baxaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Israel uu ujeedkoodu ahaa inay isbitaalkaasi ka barakaciyaan kumanaan qof, oo isugu jira dad ku soo barakacay isbitaalka iyo weliba bukaanada ay dhakhaatiirtu xaaladdooda la tacaalayaan, sidii horeba u dhacday.

Isbitaalka Al-Shifa ayaa qayb ahaan dib u shaqo bilaabay, ka gadaal weerarkii ay Israel ku ekeysay bishii November. Ciidamada Israel ayaa hadda caqabad kala kulmaya xoogaga ku soo kubaareeyay goobta uu isbitaalku ku yaalo.

Dadka rayidka ah ee ku harsan xaafadaha ku dhow dhow isbitaalkaasi ayaa sheegay in dagaal qaraar uu ka socdo xeendaabka isbitaalkaasi, xaalad adagna ay ka jirto.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen in ka badan 50 ka tirsan kooxaha wax iska caabinta, balse si madaxbannaan looma xaqiijin karo in dadka dhintay ay dagaal-yahano ahaayeen.

Xafiiska Warbaahinta Xamaas oo ka jawaabaya warka ka soo baxay Militariga Israel ayaa sheegay in dhammaan dadka la dilay ay ahaayeen kuwo rayid ah.

Dagaalka culus ee halkaasi ka socdo ayaa muujinaya in weli Xamaas ay joogto waqooyiga Gaza, ka dib markii Israel ay bilowgii bishii January ku dhawaaqday in la burburiyay qaab dhismeedkii Xamaas ee jiidda waqooyi ee Gaza.