Dagaal lagu riiqmay oo Xisbullah iyo Ciidamada Israel ku dhex maraya xuduudda

Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Israel ayuu toddobaadkii saddexaad dagaal culus ku dhex maraya deegaanada xuduudda ee Lubnaan iyo Israel.

Ciidamada Israel ee la soo dhoobay waqooyiga Israel ayuu qorshuhu yahay in ay xoog ku galaan koonfurta dalka Lubnaan, balse ay ka hortaagan yihiin Xoogaga Xisbullah ee iska caabinta sameynaya.

Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka iyo ciidanka kale ee ku hubeysan madaafiicda goobta ayaa caqabad kala kulmaya iska caabinta xoogan ee Xisbullah.

Qorshaha Militariga Israel ayaa ah in ciidamadu ay gudaha u galaan, gacantana ay ku dhigaan deegaanada xadka koonfureed ee dalkaasi, iyadoo markaasi Xisbullah laga fogeynayo dhulka xuduudda.

Ku dhawaad labaatan kun oo askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Israel ayaa ka qayb qaadanaya hawlgalka la doonayo in ciidamadu ay waddo kaga furtaan deegaanada koonfur bari iyo koonfur galbeed ee xuduudda Lubnaan.

Israel ayaa joogitaanka Xisbullah ee xuduudda u aragto mid khatar ku ah ammaankeeda, iyadoo halkaasi ay Xisbullah ka soo tuurto gantaalada ay ku garaaceyso gudaha Israel.

Xoogaga Xisbullah ee difaaca gunta hoose u qodan ku leh deegaanada xadka ayaa si adag isaga caabinaya weerarka dhinaca dhulka ee Ciidamada Israel.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay juhdi badani ku bixinaya, sidii ay u jiiri lahaayeen dhufeysyada Xisbullah, iyadoo muddadii uu dagaalka xuduudda socday ay ku guuldareysteen inay xaqiijiyaan hadafka hawlgalkooda.

Xisbullah ayaa horey halkaasi uga sameysatay difaac adag oo dhulka hoostiisa ah, taasoo adkeynaysa in si fudud lagu jiiro. Duqaymaha afartii toddobaad ee u dambeeyay lagu hayay dhufeysyada Xisbullah ayaan wax muuqdo ka tirin in si dhakhsa ah lagu burburiyo.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay inay sameeyeen dhowr jeer oo isku dayo ay gudaha ugu galeen deegaanada xadka Lubnaan, ha yeeshee aanay ku hakan, ka dib iska caabin xoog badan oo Xisbullah ay kala kulmeen.

Hubka ay Xisbullah dagaalka u adeegsaneyso, sida gantaalada ridada gaaban, kuwa ridada dhexe, diyaaradaha drones-ka ee is qarxiya iyo qoryaha meelaha fogfog wax ka toogta ayaa dib u dhigaya hawlgalka Ciidamada Israel.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xoogaga Xisbullah ay gubeen daraasiin ka mid ah taangiyada Militariga Israel, isla-markaana ay dileen tiro badan oo ka mid ah ciidamada soo duulay, kuwo kalena ay dhaawaceen.

Madaxda Israel ayaa la sheegaya in ay ka go'an tahay in ciidamadu ay saldhigtaan deegaanada koonfurta Lubnaan ee dhaca xuduudda, qiima kasta oo ku baxaba.

Khubarada militariga ayaa ku waramaya in istiraatiijiyadda dagaalka Israel uu yahay in tobanaan kiilo mitiri aag militari (Zone militaire) oo ka caagan dhaqdhaqaaqa Ururka Xisbullah laga sameeyo gudaha xadka Lubnaan, si halkaasi looga difaaco ammaanka Israeliyiinta reer waqooyiga ah.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa habeenkii Sabtida ku hanjabay in Israel aysan joojin doonin dagaalka ay ku hayso Xisbullah, illaa iyo inta laga jebinayo, isla-markaana ay guryahooda dib ugu soo celin doonaan shacabkoodii ku barakacay xiisadda xuduudda.

Xisbullah ayaa ku celcelisay inaysan aqbali doonin inay soo noqdaan dadkaasi, inta uu socdo dagaalka Gaza.

Hoggaamiye Kixigeenka Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa Talaadadii sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka, illaa iyo inta ay Israel ka joojineyso xasuuqa ay ka waddo sida uu yiri Gaza iyo Lubnaan.

Dagaalka Israel iyo Xisbullah ayaa la qiyaasaya in uu daba dheeraan doono, haddii aan si degdeg ah loo helin xal diblomaasiyadeed.