Dagaal maalintii 22aad ka socdo Magaalada Laascaanood

Dagaal xoogan ayaa maanta ka soconaya Magaalada Laascaanood, kaas oo u dhaxeeya Ciidanka Militariga Somalilnad iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa saakay ka qarxay waqooyi bari ee magaalada, waxaana uu dagaalku u muuqdaa la iska la baxay magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalku uu u muuqdo mid haatan ku sii siqaya dhanka xerada Ciidanka Somaliland ku leeyihiin Goojacadde, oo dhowr km ka baxsan magaaladaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa Puntland ku eedeeyay in ay qayb ka tahay dagaalka maalintii 22aad ka soconaya Laascaanood.

“Maamulka Puntland ee Somaliya oo ay is garabsanayaan kooxaha nabadiidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee ku sugan jiidda hore ee Gobolka Sool.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa qoraal ku sheegay in Ciidamada Somaliland ay si adag isaga caabiyeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland, sida uu yiri.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyadda weerarka waxa qaadi doona Maamulka Puntland.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah, oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan mandaqada Geeska Afrika.”

Ma jirto cid ku kala dhex jirta dhinacyada dagaalamaya, marka laga soo taggo baaqyada isa soo taraya ee ku aaddan in si shuruud la’aan ahi dagaalka loo joojiyo.