Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo ka furay Shirka Golaha Wadatashiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka ayaa looga hadlayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka Federaaleynta Maaliyadda, Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Shirka ayaa dhowrka cisho ee ina soo aaddan ka sii socon doona Magaalada Baydhabo, waxaana ka qaybgaleynin Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.