Wasiir Koore oo ku baaqay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa si adag u dhaliilay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo Axaddii shalay sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu caqabad ku yahay in xal laga gaaro colaadda Magaalada Laascaanood.

Wasiirka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Gudoomiyuhu uu si toos ah ula saftay dadka Magaalada Laascaanood kula dagaalamaya Ciidamada Somaliland, isla-markaana uu lacagtii nabadeynta ee Madaxweyne Biixi uga dhiibay Magaalada Hargeysa uu u weeciyay in shidaal iyo rasaas ka dhigtaan kuwa dagaalka kula jira Militariga Somaliland.

"Markuu Laascaanood noogu yimid waxa uu noqday qofka keliya ee dhibtii meesha taalay sii laba jibaaray, oo dhanka kale iska taagay." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri "Waxaa caddaatay inuu gaarsiiyay illaa hantidii ummadda reer Somaliland ee halkan looga soo dhiibay in uu u isticmaalay in uu dhanka kale shidaal iyo rasaas ugu diro."

Wasiir Koore ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada ugu baaqay in ay xilka ka qaadaan Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif, haddii aanu is casilin.

"Waxaan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ugu yeerayaa, haddii uu ku dhawaaqi waayo is casilaaddiisa inay xilka ka qaadaan, maadaama wax alla wixii uu ku ahaa xubinimo iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada uu dastuuriyan jebiyay, oo ay caddahay oo khudbaddiisii taalo, oo uu shalay yiri waxaan raacsananay SSC iyo 33-ka nin ee Garaadada waxay gooyaan." Ayuu yiri Wasiir Koore.

Xiisadda ka taagan Laascaanood ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, tan iyo intii Somaliland ay ku dhawaaqday in gooni isu taageeda ay dib uga la soo laabatay Somaliya.