Qaramada Midoobey oo cambaareysay weerarka Shabaab ka gaysteen Xerada ATMIS ee Buulo Mareer

Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ballaarnaa, ee ay Jimcihii maleeshiyada Al Shabaab cagta ku mariyeen Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarkan oo ku bilowday qaraxyo waaweyn ayaa waxaa xigay weerar dhowr jiho leh, oo ay maleeshiyada Shabaabka kaga gudbeen xeendaabkii xeradaasi.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay ka xun yihiin weerarkaasi, iyadoo dhanka kalena ku baaqday in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay weerarkaasi.

Csaba Kőrösi, Gudoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada askartii ku dhimatay weerarkaasi.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay nooc kasta oo argagixisadu tahay in ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo amniga ee caalamka oo dhan.

"Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda, waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo amniga caalamka." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiye Kőrösi ayaa sheegay in loo baahan yahay in sharciga la horkeeno maleeshiyadii Shabaabka ee weerarkaasi ka masuulka ahayd.

Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay cagta mariyeen xeradaasi, isla-markaana ay weerarka ku dileen 137 askari oo u dhashay dalka Uganda.

Ciidanka Militariga Uganda ayaa qayb ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Dowladda Federaalka ka taageera howlaha amniga iyo la dagaalanka Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.