Dagaal maalintii labaad ka socdo gudaha Israel

Ciidanka Difaaca Israel iyo Xoogaga Xamaas ayaa maalintii labaad ku dagaalamaya koonfurta Israel, ka dib markii xoogagaasi ay Sabtidii ku qaadeen weerar saf ballaaran.

Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa weerar culus ku galay koonfurta Israel, ka gadaal markii ay ka soo gudbeen Marinka Gaza.

Xoogagan ayaa dhul, bad iyo cirba ka weeraray Israel, iyadoona uu weerarkan wax la yaab lihi ku noqday Israeliyiinta.

Sidoo kale Xoogaga Xamaas ayaa muddo 24 saac gudahood ah waxay Israel ku garaaceen in ka badan saddex kun oo gantaal, oo si weyn u saameeyay inta badan magaalooyinka Israel, oo ay ku jirto Tel Aviv.

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay maalintii labaad gudaha ugu jiraan magaalooyinka ku dhow dhow Gaza.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in dhinacyadu ay dagaalo culus ku dhex marayaan magaalooyin ay ka mid tahay Magaalada Magen.

Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in uu socdo dadaalo la doonayo in xoogagaasi dib looga riixo dhulka Israel, sida uu yiri.

Ciidanka Cirka Israel ayaa tan iyo Sabtidii waxay duqaymo xiriir ah ka wadaan Gaza, iyaga oo bartilmaameedsanaya goobo ay ka mid yihiin xaafadaha ay dadka rayidka ahi degan yihiin.

Duqaymahan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 315 qof oo Falastiiniyiin ah, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Caafimaadka Israel ayaa sheegtay in illaa 2,048 qof ay ku dhaawacmeen weerarka ka socda gudaha Israel, kuwaa oo ay ku jiraan 330 qof oo dhaawacoodu uu daran yahay.

Warbaahinta Israel waxay tebisay in dad kor u dhaafaya 659 qof lagu dilay weerarka labada cisho ka socdo Israel.

Warbaahintu waxa kaloo ay sheegtay dad gaaraya kun qof oo isugu jira askar iyo rayid lagu qafaashay weerarka lagu qaaday Israel.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan hawlgalka lagu wiiqayo Xoogaga Xamaas.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee garabyada hubeysan ee Falastiiniyiinta ka gaystaan dhulka ay Israel maamusho.