Dagaalka Bariga Dhexe oo galay maalintii 11aad iyo rajo laga qabo in heshiis la gaaro

Mareykanka iyo Israel ayaa maalintii 11aad garaacaya bartilmaameedyada ku yaala gudaha Iran, iyadoo la hadal hayo in heshiis xabad joojin ah la gaari karo, taasoo dadka gelinaysa rajo ah in dagaalka uu dhamaan rabo.

Ciidamada Cirka ee Mareykanka iyo Israel ayaa xalay duqayn culus ka gaystay Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Iran, waxaana la sheegay in magaala madaxda dalkaasi ee Tehran ay habeenkii Isniinta u ahayd mid ka mid ah habeenadii ugu darnaa, marka loo eego duqaymaha hawada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay magaalada gilgileen qaraxyo xiriir ah, isla-markaana ay guryuhu la gariireen. Meelaha ay weerarada ugu badan ka dhaceen ayaa lagu sheegay waqooyiga iyo bariga magaalada.

Ciidamada Iran ayaa iyaguna qaadday mowjaddii 33aad ee hawlgalka hawada ee la sii qorsheeyay, iyagoo beegsanaya kaabeyaasha Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo dhulka Israel.

Taliska Militariga Iran ayaa goor sii horreysay iclaamiyay in wixii hadda ka dambeeya aysan ridi doonin gantaalada uu culeyskoodu ka yar yahay kunka kiilo (1,000kg), taasoo ka dhigan la isticmaalayo bambaanooyinka labada kun ee rodol (2,200lbs) ee aadka wax u burburiya.

Bahrain ayaa warbixin horudhaca ah ka soo saartay khasaaaraha ka dhashay weerar ay Iran ku qaadday dhisme la degan yahay oo ku yaala Magaalada Manama. Wasaaradda ayaa sheegtay in hal qof lagu dilay weerarka, kuwo kalena lagu dhaawacay, ka dib markii diyaarad drone oo Iran leedahay ay xalay beegsatay daar dheer.

Madaxweyne Donald Trump ayaa xalay sheegay in ay si dhakhsa ah u soo afjari doonaan dagaalka Iran, inkastoo aanu sheegin waqtiga rasmiga ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Isniintii khadka teleefoonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin. Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen waxyaabo dhowr ah, oo ay ku jirto colaadda ka soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Trump ayaa mar dambe sheegay in Putin uu doonayo in uu caawiye ka noqdo gobolka, isla-markaana ay yeesheen wada hadal aad u wanaagsan.

"Waxaan ku iri waxaad noqon kartaa mid waxtar badan leh, markaad soo afjarto dagaalka Ukraine. Taasi waxay noqon doontaa mid waxtar badan, laakiin waxaan yeelanay wada hadal aad u wanaagsan." Ayuu yiri Trump.

Wararka ayaa sheegaya in xulafada Iran sida Ruushka iyo Shiinaha ay xiriir la sameeyeen Tehran, si loo abuuro jewi lagu gaari karo heshiis xabad joojin ah. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Israel ay doonayaan heshiis xabad joojin ku-meel-gaar ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in dalkiisu uu keliya Mareykanka iyo Israel la geli karo xabad joojin dhameystiran oo joogto ah, wixii ka baxsana aysan iyagu khuseyn.

Waxaa jira caqabado dhowr ah oo Trump ku riixi kara in ay galaan heshiis xabad joojin ah, oo ay ugu horreyso saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay caqabadda ka taagan isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz, shacabka Mareykanka oo intooda badan ka horyimid dagaalkan iyo in Xisbigiisa Jamhuuriga aanu lumin doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka.

Warka xalay ka soo yeeray Trump ee uu ku saabsan in uu si degdeg ah u dhamaan doono dagaalka Iran ayaa calaamad u ah, sida maamulkiisu uu u daneynayo inaysan lumin codadka doorashada xilliga dhexe ee la qabanayo bisha November, walow Mareykanka iyo Israel ay dagaalka sii wadi karaan dhowr cisho ee ina soo aaddan.

Trump ayaa Isniintii Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga ee Congress-ka u sheegay in maamulkiisu aanu ku fogaan doonin dagaalka, iyagoo sameynaya siyaasad dib u gurasho iyo in loo diyaargaroobo doorashada soo socota.

Ka dib kulan uu Xildhibaanada Jamhuuriga kula yeeshay Magaalada Miami, shir jaraa'id oo Trump uu qabtay ayuu ku sheegay in Militariga Mareykanka ay joojinayaan duqaymaha qaar ka mid ah bartilmaameedyada waaweyn ee Iran, si loo eego haddii madaxda dalkaasi ay u ogolaanayaan maraakiibta saliidda inay si nabad ah ku maraan marin biyoodka Hormuz.

Iran ayay u badan tahay in aysan ogolaan doonin in shixnadaha saliidda ee Mareykanka, Israel, Yurub iyo xulafada kale ee reer galbeedka ay ka gudbaan Hormuz, inta meel ka mid ah dalka uu wajahayo weerarada Mareykanka iyo Israel.

Xanibaadda Iran ee in maraakiibta dalalka qaar aysan ka gudbi karin Hormuz ayaa u sabab ah kor u kaca qiimaha saliidda iyo xasaradda dhaqaale ee laga dareemay suuqyada caalamka.

Iran ayaa tallaabadan u qaadday, si ay Mareykanka uga joojiso taageeradiisa Israel ee dagaalka, sababtoo ah Tehran waxay fahamsan tahay in Tel Aviv aanay ugu soo bareeri karin dagaal furan, Washington la'aanteed.

Trump ayaa ah ninka iska leh go'aanka ugu dambeeya ee dagaalkan, haddii la joojinayo iyo haddii la sii wadi lahaaba.