Dagaalka Bariga Dhexe oo galay maalintii 20aad, iyadoo ay xaaladdu sii xumaaneyso

Ciidamada Mareykanka oo taageeraya kuwa Israel ayaa maalintii 20aad oo xiriir ah duqaymo ka wada gudaha Iran, iyadoo Ciidamada Iran ay iyana iska caabinayaan weeraradaasi.
Dagaalka ayaa gaysanaya waxyeelo keeneysa dhowr sano oo dib-u-dhac ah, in qiimaha saliidda ee suuqyada caalamiga ah uu kor u sii kaco iyo in uu sii xoogeysto jahwareer dhaqaale ee ka jira dunida.
Ciidanka Cirka Israel ayaa Arbacadii weerar culus ku qaaday goobta gaaska ee South Pars ee Iran, halkaas oo ay ku taalo xarunta gaaska ugu weyn ee dunida. Goobta gaaska ee South Pars ayaa u dhow goobta kale ee gaaska dabiiciga ee North Dome ee Qatar, waana laba goobood oo muddo dheer ay si nabad ah u wadaagayeen labada dal. Xarunta South Pars ayaa waxay 105km dhinaca koonfur galbeed ka xigtaa Dekedda Asaluyeh ee Gobolka Bushehr ee Iran.
Warbaahinta Dowladda Iran ayaa sheegtay in uu dab qabsaday goob lagu sifeeyo shidaalka oo ku taala South Pars. Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa weerarkaasi ka dib ka digay cawaaqib aan waxba laga qaban karin, si qarankiisu uu uga jawaabo waxyeelada weyn ee loo gaystay xaruntooda dhaqaalaha.
Ciidamada Iran ayaa saacado ka dib weeraray Magaalada Warshadaha Ras Laffan ee dalkaasi Qatar. Weerarka ayaa sababay dab khasaare baahsan u gaystay xaruntaasi, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.
Shirkadda QatarEnergy oo maamusho Warshadaha Ras Laffan oo ku yaala meel 80km jihada waqooyi uga beegan Caasimadda Doha ayaa sheegtay inaysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi, marka laga soo tago burburka uu gaystay. Ras Laffan ayaa ah xarun warshadeed, waxayna ku taallaa goobta ugu weyn ee Qatar ee laga soo saaro gaaska dabiiciga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Doha ay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarada iska socda ee uga imanaya Tehran. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Saraakiisha Amniga iyo Militariga Iran ee ku sugan dalkaasi ku amartay in ay muddo 24 saac ah uga baxaan dalka, ka dib gantaaladii burburka weyn gaystay ay Iran ku garaacday goobta ugu weyn gaaska ee Qatar.
Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa la sheegay in ay xalay weeraro kale ku qaadeen xarumaha wax soosaarka tamarta ee dalalka Sacuudiga, Emirate-ka Carabta, Bahrain iyo Kuwait.
Emirate-ka Carabta ayaa sheegay in la xiray xarumaha gaaska Habshan ee Magaalada Abu Dhabi, ka dib markii Iran ay weerartay, halka Sacuudiga uu sheegay in laba ka mid ah warshadahooda sifeynta lagu weeraray Magaalada Riyadh.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan Al Saud ayaa sheegay in Riyadh ay xaq u leedahay inay tallaabo militari ka qaaddo Iran, haddii loo arko lagama maarmaan, hadalkiisa oo daba socdo weerarada Iran ee dalalka Khaliijka.
Dhanka kale laba markab oo nooca ganacsiga ayaa la sheegay in xalay iyo saaka lagu weeraray xeebaha Emirate-ka Carabta iyo Qatar. Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in gantaalo lagu weeraray maraakiibtan, iyadoo aan sheegin wax shaqaale ah oo ku dhintay amaba ku dhaawacmay labadaasi weerar.
Weerarka lagu qaaday xarunta tamarta gaaska ee Iran ayaa uga sii daray xiisadda muddooyinkanba ka jirtay gobolka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka aanu waxba ka ogeyn qorshaha weerarka ay Israel ku qaadday South Pars ee Iran.
Wadamada Khaliijka oo ay ku jiraan Qatar iyo Emirate-ka Carabta ayaa cambaareeyay weerarka Israel, wuxuuna Madaxweyne Trump sheegay in Israel aysan mar kale weerari doonin goobta gaaska Iran ee South Pars.
Trump ayaa Iran uga digay in ay gubi doonaan South Pars, haddii ay weerarto goobta gaaska ee Qatar, isagoona adkeeyay in Israel aysan dib dambe u weerari doonin goobta.
Xiisadda Bariga Dhexe ayaa sii xoogeysanaysay, tan iyo markii Mareykanka iyo Israel ay si wadajir ah u bilaabeen duqaymaha ka dhanka ah Iran, 28-kii February.


