Dagaalka Bariga Dhexe oo saamayntiisa laga dareemay gobolka oo dhan

Ciidamada Mareykanka iyo Israel ayaa maalintii labaad garaacay bartilmaameedyo ku yaala guud ahaanba dalka Iran, iyadoo falcelinta weerarada aargoosiga ee Iran ay si weyn u saameysay gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in Iran ay maanta sii wadday duqaymaha ay ku hayso dalalka Carabta iyo Israel, isla-markaana ay weerarada ugu badan ka fulisay Israel iyo Emirate-ka Carabta.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in aysan jirin sabab keeni karta in aan laga jawaabin gardarrada Mareykanka iyo Israel iyo weliba dilka ay u gaysteen Ayatollah Ali Khamenei.

Mareykanka iyo Israel ayaa Sabtidii dilay Khamenei, hoggaamiyeyaal siyaasadeed iyo saraakiil ciidan oo Iraaniyiin ah, taasoo ay Tehran u aragto khad cas oo Washington iyo Tel Aviv ay ka soo gudbeen.

Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in ay afar gantaal oo nooca ballaastikada ah ay ku dhufteen markabka diyaaradaha dagaalka xambaara ee USS Abraham Lincoln, iyadoo talisku uu bayaan ku sheegay in duqaymaha ka dhanka ah Ciidamada Mareykanka ay galeen marxalad cusub, isla-markaana uu gobolku noqon doono xabaalaha argagixisada.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa beeniyay sheegashada Iran, ee ah in gantaalo lala helay markabka USS Abraham Lincoln.

Taliska CENTCOM ayaa sheegay in gantaalada Iran aysan xitaa u soo dhawaan markabka, isla-markaana uu sii waday duulimaadyada diyaaradaha lagu taageerayo weerarada ka dhanka ah Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa mar dambe sheegay in Ciidamada Mareykanka ay burburiyeen, isla-markaana ay quusiyeen sagaal markab oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Iran, isagoo sheegay in maraakiibta la burburiyay ay ku jiraan kuwo waaweyn oo muhiim ah.

Trump ayaa qoraal ku sheegay in sidoo kale la burburiyay Xarumihii Ciidanka Badda Iran, mana jirto wax war ah oo Iran ka soo baxay oo ku aaddan warka Trump.

Trump ayaa dhanka kale ku goodiyay in Mareykanka uu adeegsan doono awood dheeri ah, haddii aysan Iran joojin mowjadaha weerarada aargoosiga ah ee ay gaysaneyso.

Iran iyo Israel oo Mareykanka uu kaabayo ayaa waxaa ka dhex jira xiisad khatar ah, taas oo sare u sii qaadeyso cabsida laga qabo in dagaalku uu sii fido amaba uu daba dheeraado.

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa ah mid aad u kacsan, waxayna cabsidu saameysay qof kasta oo gobolka ku nool, iyadoo aad arki karto in aan weli la gaarin, xilligii ay diblomaasiyaddu shaqayn lahayd.

Inkasta oo cabsida ay ka jirto guud ahaanba gobolka, haddana cabsida ugu badan ayaa la sheegaya in ay soo wajahday shacabka Israel.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa shacabkiisa ku booriyay in ay dulqaad muujiyaan, isla-markaana ay raacaan tilmaamaha amniga ee hay'adaha ammaanka, muddada uu dagaalku socdo.

Israel iyo Mareykanka ayaa Iran ugu duulay, si is bedel maamul looga sameeyo dalkaasi, waxaase muuqata in Iran ay tahay mid aan si fudud loo loodin karin.

Israel iyo xulafadeeda ugu weyn ee Mareykanka ayaa waxaa suurtagal ah in ay la kulmaan kacdoon ballaaran oo aysan ku sii talagelin.