Dagaalka Mareykanka iyo Iran oo sii xumaanaya

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gobolka Bariga Dhexe ayaa sii xoojinaya bartilmaameedyada gudaha Iran, halka Ciidamada Iran ay kordhinayaan weeraradooda ay kaga aargoosanayaan duulaanka hawada ee Mareykanka.
Dagaalka Mareykanka iyo Iran ee Bariga Dhexe ayaa sii xumaanaya, kaas oo toddobaadkii hore dib uga soo cusboonaaday gobolka, ka gadaal markii uu burburay heshiiskii bishii June ee lagu soo afjarayay colaadda labada dal.
Iska horimaadyada ayaa xargaha goosanaya, iyadoo labada dhinac ay si toos ah u beegsanayaan xarumaha militariga iyo weliba kaabeyaasha dhaqaalaha ee qaybo ka mid ah gobolka.
Militariga Mareykanka oo ka jawaabaya laba askari oo looga dilay Jordan ayaa xalay illaa maanta qaaday duqaymo is daba joog ah, oo si xiriir ah loogu garaacay Saldhigyada Difaaca Cirka ee Iran, goobaha lagu kaydiyo hubka iyo kaabeyaasha tamarta, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).
Ciidamada Iran ayaa weeraro aargoosi ah ku qaaday xarumaha ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Jordan, Kuwait iyo Bahrain, iyagoo adeegsanaya gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu xaqiijiyay Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran.
Iran ayaa Mareykanka ku eedeysay inuu weeraray warshad nuclear oo weli dhismaheedu socdo, halka Dowladda Kuwait ay sheegtay in markii labaad muddo laba maalmood gudahood ah la beegsaday warshad koronto iyo warshad kale oo biyaha badda ka dhigta kuwo la cabi karo.
Hay'adda Tamarta Nuclear-ka ee Iran ayaa sheegtay in Ciidamada Mareykanka ay duqaymo ku bartilmaameedsadeen Warshadda Nuclear-ka ee Darkhovin, oo ah xarun weli dhismaheedu ka socdo Koonfur Galbeed dalkaasi.
Iraaniyiinta ayaa ku hanjabaya in ay gaysan doonaan in la mid ah iyo ka badanba dhaawac kasta oo ka soo gaara weerarada Mareykanka.
Saraakiisha Militariga Iran ayaa sheegay in falcelintooda ay noqon doonto mid u dhiganta, ka baaxad weyn, kana daran, isla-markaana ay ku burburin doonaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka, inta ay socdaan weerarada lagu burburinayo xarumahooda muhiimka ah.
Colaadda ay ku lugta leeyihiin Mareykanka iyo Iran ayaa saamayn ballaaran ku yeelatay amniga iyo dhaqaalaha gobolka, lamana oga waxa ay ku dambayn doonto xaaladda gobolka.


